BALIGUBADLE MEDIA
BARO XUQUUQAHA AAS AASIGA AH EE DASTUURKA JAMHUURIYADA SOOMAALILAND KUU DAMAANAD QAADAY.
January 2, 2018 - Written by editor

Akhristayaal waxaynu maanta qormadan ku soo bandhigi doonaa xuquuqaha aas aasiga ah ee uu muwadinka reer soomaaliland u damaanad qaaday dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliand, xuquuqahaasi oo dadka intooda badani aanay fahamsanayn ama aanay aragba halka muwaadiniinta qaarna aanay aqoon u lahayn iyadoo ay dadkeena ku yartahay wax akhriska ama cilmi baadhistu.
cccc (1)
Sidaa awgeed halkan hoose waxaad kaga bogan doontaa xuquuqaha aas aasiga ah ee uu kuu damaanad qaaday dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliland si fiican uga baaraan dag oo ogow waxaad xaq u leedahay iyo waxa xaq laguugu leeyahay.

QODOBKA 22AAD
XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO
IYO XAQA DOORASHADA
1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed,
dhaqaale, bulsho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.
2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay
in la doorto, waxna uu doorto.
QODOBKA 23AAD
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA
IYO IS-ABAABULKA
1. Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga, waxa uu xor u
yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka
baxo ama ku soo Iaabto dalka marka uu doono.
2. Arrimaha ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama
waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.
3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed,
dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.
4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama
qarsoodi ah ama Ieh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan
xeerka weji kasta ha lahaadeene.
QODOBKA 24AAD
XAQA NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA,
XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA
GALO XUQUUQDA AADAMIGA
1. Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay
noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku
caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax
yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa
gaar ahaaneed.
4. Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, dil maxkamad la’aan ah, jidh
dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf
QODOBKA 25AAD
XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO
SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA
1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.
2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi
faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore
awood u lihi.
3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha.
Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.
4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa
guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.
QODOBKA 2 6AAD
CIQAAB IYO DEMBI
1. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in
ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.
2. Mas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.
3. Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.
QODOBKA 27AAD
XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY
1. Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu
dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.
2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u
Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood,
laga bilaabo marka la qabtay.
3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid
kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-ka-soo qaad ma
laha.
4. Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.
5. Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.
6. Eedaysanuhu wuxuu xaq u Ieeyahay in go’aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga
qaato maxkamadda ka sarraysa.
7. Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u
leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.
8. Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda
iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan
suubban.
9. Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer
ayaa caddaynaya.
QODOBKA 28AAD
XAQA DACWADDA & ISDIFAACA
1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad xeerka waafaqsan ka furto
maxkamadda awoodda u Ieh.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.
3. Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa inuu bixiyo difaac
lacag la’aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda
QODOBKA 29AAD
XURMAYNTA HOYGA
Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana
basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan.
Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama degganaha
hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.
QODOBKA 30AAD
XORRIYADDA ISGAADHSIINTA
Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa
isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku baneeyo baadhitaankooda, dabagalkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore
oo sababaysan.
QODOBKA 31AAD
XORRIYADDA LAHAANSHAHA
HANTI GAAR-AHAANEED
1. Qof kastaa waxa uu xaq u Ieeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi
tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.
2. Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan
guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana la bixinayo cawil-celin munaasib ah.
3. Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda
hanti gaar-ahaaneed.
QODOBKA 32AAD
XORRIYADDA BANNAANBAXA,
RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE
1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal,
muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama
bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.
3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee
ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay
tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.
QODOBKA 33AAD
XORRIYADDA CAQIIDADA
1. Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo inuu qaato tu kale.
Shareecadda lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.
2. Masaajidku waa goob cibaado, waxaanu mudan yahay xurmayn. Waa goob lagu
fidiyo Diinta iyo hanuuninta ummadda diin iyo adduunyaba. Waxa reebban in laga
jeediyo waxyaabaha ummadda kala kaxayn kara; dawladduna waxay ku leedahay
ilaalin guud iyo kaalmayn wixi suurto-gal ah.
QODOBKA 34AAD
WAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA
GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA
1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta
jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka.
2. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.
3. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu si hagar la’aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta
kale ee xeerku waajibiyey.
4. Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada
deegaanka.
5. Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku
xusan faqradda laad, 2aad, 3aad iyo 4aad.

W/D: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

[email protected]

COMMENTS