BALIGUBADLE MEDIA
Badaluu Maayarka Burco W/Q Garyaqaan Zakarie Sulub Akaash
January 28, 2018 - Written by admin

Asc Dhamaan Shacabka Somaliland gaar  ahaan  dadweynaha gobolka togdheer iyo Saxaafada Madaxa banaan.

Ugu horayn alle ayaa mahad leh (sw) marka xigtana waxaa amaan iyo bogaadin mudan xildhibaanada barlamanka somaliland oo wax kabadal iyo kaabis ku sameeyay (xeer lanbar 23).
Iyagoo shacabka ka wakiila ayay manta u hiiliyiin waana wax taariikhda u gali doona insha allah.

Sidoo kale Anigoo og xaalada manta dalku maraayo isla mar ahaantaasna la socda duruufaha adag ee soo wajahay guud ahaan dalka.
Hadana waxaa aan indhaha laga qarsan karin xaaladda Burco taagan tahay, oo ah tii abid ugu liidatay.

Xarunta dawladda hoose ee burco qofka aan aqoon wuxuu u malaynayaa meel kuddaafad ah oo geerash ahaan jirtay,
Dilaaca,burburka iyo rinji la,aanta ka jirta  darbiga xarunta, Qofka ugu yaraan damiir lihi wuu ilmaynayaa waanu ka naxayaa xaalka xarunta golaha deegaanka intaan burcaba la gaadhin ayuu halkaas ka murugoonayaa.

Sidoo kale gaadiidka dawladda Hoose ee burco, sida cagafyada iyo baabuurta adeegyada darxumada iyo baaba,a ka muuqda qof caqli lihi odhan maayo burco xarunta looga taliyo ayay ka adeegan.

Maalinkasta Shacabka Burco waxa laga qaada caahuur islaanta xabuubta iibisa,tan muuska qorraxda la fadhida ilaa meheradaha iyo ganacsiga oo dhan, hadana ma jiri wax adeeg ah oo loogu badalaaa.

Burco waddoyinkeeda boodhka iyo dhaska saaran ma jiro wax lagu masaala hadana waxaaso dhan waxa dheer waddo xumada iyo maayarka burco oo waddooyinka badhtankiisa dadyow gaar ah u sharciyeeyay halka qaar ay isku hayb yihiina dariiqa badhtankiisa u saxeexay oo dajiyay tusaale kaalinta cusub ee suuqa baarsigo halkay ku kulmaan waddada hoddan qaylo iyo waddo hawdku.

Ugu danbayn Burco manta waxay u baahan tahay hiil qaran.
waxaanay u baahan tahay maayar adag oo kaga shaqaysiiya dawladda hoose ee burco.

Iyo sidii looso celin lahaa bilicdii iyo qiimihii burco ee uu dhulka la dhacay maayar muraad waxaan ka codsanayaa xildhibaanada golaha deegaanka burco in ay soo doortaan maayar daacad ah ciddu doono ha ahaade oo magaalada iyo shacabka isku wadi kara.

Garyaqaan Zakarie Sulub Suleiman (Cakaash)
Bachelor Degree Of Economics and political
Bachelor Degree Of Law  (LLB)

Gudoomiyihii Ololaha Gobolka Togdheer Ee Waddani
Gudoomiyaha Ururka Badbaadaa dhalinyarada somaliland Ee (SOYSO)
Xubin Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA)
Xubin Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani

COMMENTS