BALIGUBADLE MEDIA
Aqalka Cad Ee Maraykanka Oo Ka Dareen Celiyey Muuqaalo Laga Duubay Dad Caan Ah Oo Akhrinaya Buuga Laga Qoray Madaxweyne Trump
January 29, 2018 - Written by admin

Xubnaha kooxda la shaqaysa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay muuqaal laga duubay dad caan ah oo ay ka mid tahay Hillary Clinton, iyaga oo akhrinaya buugga Fire and Furry ee laga qorey Trump.

hillary

Muuqaalka ayaa waxaa sameeyay barnaamijka abaalmarinta fanka muusigga iyo heesaha oo sanadkiiba mar la qabton ee Grammy , ujeedkuna waxa uu yaahay maad iyo majaajilo.

Dadka muuqaalka ka soo baxay ayaa  waxaa ka mid ah heesaayaasha kala ah Cher iyo Snoop Dogg.

Wiilka uu dhalay madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay canjilaad, isaga oo buugga ku tilmaamay ‘been la soo dhoodhoobay’.

Clinton ayaa waxa ay buugga ka akhrinaysaa tuduc dhahaya “waxa uu qabaa cabsi ah in la sumeeyo, taasna waa sababta uu wax uga cuno maqaayadda McDonalds, halkaas oo aanay  ka warhaynin in uu tagayo, raashiinkana si fiican loo sii diyaariyay”.

Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa fariin ay soo dhigtey boggeeda Twitter-ka waxa ay ku sheegtay in bandhigga abaalmarinada Grammy ay waligeed jeclayd, balse muuqaalka la soo bandhigay uu nuxurkii ka qaaday. “qaarkeed waxaan jecelnahay heesaha haddii siyaasadda laga saaro” ayay intaas ku dartay.

Bandhigga Grammy ayaa sidoo kale lagu soo qaatay majaajilooyin kala duwan oo madaxweyne  Trump lagu durayo.

Heesaayo kala duwan ayaa sidoo kale si furan u dhaleeceeyey hadalada Trump ee loo arkay isir nacaybka, gaar ahaan kuwii uu ka sheegay dadka madoow.

Source:-BBCsomali

COMMENTS