BALIGUBADLE MEDIA
Akhriso: Taariikhda 3-da Wasiir ee Cusub Ee Farmaajo ku bedelay Sadexdii wasiir ee uu eryayay saaka
January 5, 2018 - Written by admin

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayrre uu xilkii ka qaaday sedax Ka mid ah Golahiisa wasiirada, Waxaana la magacaabay kuwii lagu badalay.
wasiiro-300x130
Wareegta ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu wasiirka Aqriyay ayaa xilkii looga qaaday Wasiirada Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Arimaha Gudaha Federalka, iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo Wasiirkii Ganacsiga Soomaaliya Qadro Axmed Jimcaale.

Akhriso: Taariikh Nololeedka Wasiirada Cusub Ee La Magacaabay

Taariikhda Mudane Axmed Ciise Cawad:

Axmed Ciise Cawad, waxaa uu dhashay 1955-tii, waxbasrahadiisa jaamacadeed heerka 1aad waxaa ka dhameeyay Concordia University Montreal, halka Master uu ka sameeyay Institute of Peace and security Studies ee Adis Ababa University, waxaa uu sidoo kale  PHD Candidate ka yahay Sudan University of Science and Technology, Khartoum.

Ambassador  Axmed Ciise Cawad, Waxaa uu ka soo shaqeeyay meelo badan sida 2006-2015 waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan UN-ka isagoo ka shaqeeyay UNMIS iyo UNAMID oo kala ahaa Koofurka Suudaan iyo Darur.

2015-kii wixii ka dambeeyay waxaa uu ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

January 4, 2018, Waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Taariikhda: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye:

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade.

Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi.

2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid

December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho.

January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirka  ganacsiga iyo warshadaha.

Taariikhda: Cabdi Mohamed Sabriye

Mudane Cabdi Mohamed Sabriye waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1957-dii, isaga oo waxbarashada hoose ku qaatay ( Matabaan), dhexe (Dhuusamareeb) iyo Sare (Galkacyo), kadib waxaa Jaamacadda heerka 1aad kuliyadda Injineeriga ka dhameeyay Gaheyr isaga oo Master ka qaatay Newcastle University.

Dhanka shaqada:

Mr. Cabdi Mohamed Sabriye, sanadihii 1982-1990-kii, waxaa uu ka shaqeyn jiray wasaaradda howlaha guud, wakaaladda dhismaha.

1994: Waxaa uu ka shaqeeyay ururka midowga Afrika, waaxda guriyeyta iyo bey’ada, waxaa kale oo uu muddo ka shaqeynayey UNDP.

1994-2018: Waxaa uu ahaa ganacsade.

January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Mohamed Sabriye.

Xasan Cali Khayrre ayaa hore xilkii uga qaaday Wasiirkii Arimaha diinta iyo Aw-qaafta xilkaas oo aan wali badalkiisa la magacaabin halka ay hore isku casi-shay Wasirka gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Maryan Qaasim oo aan iyadana wali badalkeeda la magacaabin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS