BALIGUBADLE MEDIA
AFRIkA: Qaarad U Nugul Caddawgeeda Q4aad
January 28, 2018 - Written by editor

Afriki waa qaarad aanay hogaamin mudaanteedu ee ay hogaamiso laab la kac iyo qosol ku jab akhrista Waxa jirta qaacido odhanaysa marka uu shilin u kordho qofka Afrikaanka ah waxa kordha jaaniska uu macmiil ugu noqonayo dunida horumartay,  Tusaale ahaan dhulka la beeran karo ee aduunka oo dhan waxa la tilmaamaa in boqolkiiba lixdan uu ku yaalo qaarada Afrika sidaas ooy tahay wali Afrika waxay cuntadeeda ka soo iibsataa dibada, xitaa inaga reer Somaliland is waydii sadexda wakhti inteed cuntaa raashin waddani ah? wali dadka Afrikaanka ahi waxay ku jiraan gumaysi dadban oo casri ah waxyaabaha gumaysiga cusub sahlayna waxa kow ka ah isu dheelitirnaan la’aanta aqoonta iyo ku tartamida tignoolajiyada, Afriki wali waxay hoy u tahay bulsho tiro badan oon waxna qorin waxna akhriyin iska daa in ay tignoolajiyad ku hamiyaane.
Dadka ku nool qaaradda labaad ee aduunka ugu weyni waxa soo foodsaartey dhibaato ku aadan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha iyo sida ummadaha Afrikaanka kor loogu qaadi lahaa ay dishootay gaajada, saboolnimada, cudurada iyo aqoondarada. Guusha Afrikaanku ka gaadho horumarinta dhaqaalaha ma aha oo kaliya mid laftooda oo kaliya uun qiimo u keenta, ee  se waa mid kaalmo u geysan karta. Ummadaha dalalka kale ee soo koraya, dalalka hore u marayna la tartansiin karta.
Qaaradda Afrika waxa ay si fidsan ugu kala gadisan tahay dhaqan duleedka, dhaqaalaha iyo farta siyaasadda. Sidaa awgeed in arrimaha Afrika la isku qaadaa way adag tahay, hase ahaatee kuwo ay ka siman yihiin ayaa jira inkasta oo arrimahaas aan soo sheegnay ay kala gooyaan. Dalalka Afrika waxa ay ku jiraan kala guurka habka gawsmadhaafka iyo dhaqaale gediska. Afrika wali beeraha waxa loo qodaa hab aan casri ahayn xoolahana lagu dhaqaa, sidaa awgeedna soo saarida qofka iyo qooddiguba aad ayuu u hooseeyaa korsocodka aqoondarrida cudurka dhalashada caruurta iyo dhimashadeeduba aadbay u sarreeyaan. Boqolkiiba dadka gala dugsiyada sare iyo jaamacadduhuba way hooseeyaan. Degelka guryahaha iyo caafimaadku waa mid aad u qaabdaran. Nafaqada cunada loo baahan yahay si lixaad leh ayay u hoosaysaa inkasta oo qaaradda Afrika xoolo tiro badan lagu dhaqo.
Qofka Afrikaanka ah dakhliga sanadkii soo gala waxa lagu qadaraa $100-115 waxaase jira dalal qofka dakhligiisu intaas aan soo sheegnay uu ka yar tahay. 1964kii soo saaridda guud taranka waxyaabaha guud ee dalalka Afrika lagu sameeyaa waxa lagu qaddaray in qofku soo saaro wax ka hooseeya waxa uu sanadkii ku noolaan karo. Tusaale ahaan dalka Bakistaan waxa bulshadiisa  boqolkiiba lixdan u dareeraan beeraha balse waxay dhaqaalaha guud ee dalka Bakistaan ku soo kordhiyaan boqolkiiba sodon, halka maraykanka dadkiisa boqolkiiba sadex ay soo saaraan cuntada lagu cuno maraykanka iyo cuntada dunida soo koraysa sida Afrika deeq ahaanta loo siiyo.

Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
[email protected]

COMMENTS