BALIGUBADLE MEDIA
AFRIKA: Qaarad U Nugul Caddawgeeda Q3aad
January 21, 2018 - Written by editor

1. Raadkii Gumeystaha
Inkasta oo muddadii uu gumeystuhu Afrika ku amar ku
taaglaynayey aanay guud ahaan ka badnayn 85 sano misana laba raad oon si
hawlyar ku tirtirmi Karin ayuu reebay ama ka tegay gumeystuhu, tan koobaad
54ka dal ee maanta qaaraddu ka koobantahay gumeysayaashii reer galbeedka
ayay ahaayeen kuwii jeexay xaddadkooda iyo soohdimaha u dhexeeya
waddamada Afrika. Soohdimahaas oo dabar ku noqday horumarkii qaaradda ka
dib markii ay abuurmeen dagaalo badan oo salka ku haya xuddudahaas
macmalka ah (colonial artificial boundaries) sababta oo ah waxa la isku daray
dadyaw aan isku isir ahayn halka kuwii isku isirka ahaana lakala dhex dhigay
xudduudo . gumeytuhu muu abuurin umaddo Afrikaan ah ee waxa uu taabbo
galiyey qaramadda maanta.
Raadka labaad waa mid ka yimid tignoolajiyada oo dal wal oo madaxbanaaniba
rabo in uu u adeegsado horumarka. Siyaabo kala duwan ayay gumeystayaashii
qaaraddu u muujiyeen gacanta sare ee yurub ku mutaysatey adeegsiga
farsamada; ha noqoto samayntii hubka, isgaadhsiinta ama macdan oo ay qotaan
iwm. Gumeystayaashu waxa ay dajiyeen xeerar iyo sharciyo ay u fulinayeen
ciidamada qalabka sida iyo booliska, maxkamadaha, habab maamul iyo wax
barid toos ah ama dadban.
Farsamada iyo tignooljiyada reer yurub raadka ay ku reebtay Afrika aadbay u
qoto dheertahay. Baabuurta sida cagafyadu waxay suurto gasheen banka iyo
kaynta in la beero lana dego. Allaabta warshadeysan ee reer yurub sida daadka
ayay mii iyo magaalaba u gashay.
Haddaba ganacsiga aduunka iyo habaynta dawladnimadu waa la odhan karaa
qayb ahaan waa arragti lagala hadhay gumeystaha,hase ahaatee arragtidaasi
waxay u baahantahay in la afrikaan gareeyo oo danaha dadyawga qaaradda
lagu tollo. Allaabta warshedaysan ee reer Yurub ee Afrika maansheysay ayaa ah
daliilka u wayn ee ina tusaya isku filaansho la’aanta tignoolajiyada iyo
dhaqaalaha ee Afrika gumeysayaasha ka dhaxashay.

2. Qaladkii Soohdimaha ee Ururkii Midawga Afrika (UMA)
Inkastoo Bishii March 1963kii markii uu dhashay Ururkii Midawga Afrika ay
caddaatay niyada ay waddamada Afrikaanku u hayeen in ay isutagaan. Sida ku
caddayd UMA iyo sida ay qorayaasha reer Afrika ay muujiyeen, Baan Africanism
waxay u taagnayd sharafta iyo heerka dadyawga Afrika ay ka galayaan aduunka
waxa ay ka horjeeday in dadka Afrikaanka ahi ay ka hooseeyaan dadyawga
caddaanka ah oo ay habeenimo dabiici ahi u gaar tahay.
Sidoo kale midawga Afrika waxa uu ka horjeeday ishoos dhiga dadyaw kale,
baaqa ururka midawga Afrika waxa uu ahaa “Afrika in ay reer Afrika yeeshaan
iyo in ay unkanto qofnimo Afrikaan ahi”.
Haddaba iyada oo waxbadan oo qaaradda guul u ahayd uu bud dhig u noqday
Ururkii Midawga Afrika haddana waxa uu ururku ku fashilmay in uu ka gudbo
shirqooladii gumeystuhu dhigay oo ah sida soohdimihii aan xaqa, xaqiiqada iyo
danaha Afrikaba ku salaysnayn kuwaas oo loo aqoonsaday sidii uu gumeystuhu
kaga tegay. Ilduufkaas taariikheed waxa uu qaaradda gayaysiiyey in ay baaqi ku
sii ahaato colaaddo iyo dagaalo xanuun baddan. Akhriste waa sabab kale oo
caqabad ku ah kuna sii ahaan doonta horumarka qaaraddu hiigsanayso.

La Soco Qaybta Afaraad
Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
[email protected]

COMMENTS