BALIGUBADLE MEDIA
Africa Qaarad u Nugul Caddawgeeda
January 11, 2018 - Written by editor

Afrika waa qaaradda labaad ee ugu wayn xaga badka iyo ballaca dunida. Bedkeedu wuxuu gaadhaa 30.2 million kiiloomitir isku wareeg ah (11.7 million sq mile), waxa ay ku fadhidaa boqolkiiba lix kawnka (bad iyo berri) iyo 20% ka mid ah berriga ama dhulka. Laba warbixinood oo isku dhaw ayaa midda hore waxa ay sheegaysaa in tirada dadka Afrikaanka ahi yihiin 1.1 bilyan halka ta labaadna sheegayso 1.033 bilyan oo ruux. Afrikaanku dadka dunida ku nool waxa ay ka yihiin 15%. Sidaasay tahay haddana qaaradda oo dhan waxaa ka dad badan waddanka Shiinaha oo gaadha 1.354 Bilyan. Kala badh dadka Afrikaanka ah cimrigoodu wuu ka hooseeya 25 jir. Dalka Aljeeriya ayaa ugu bed wayn qaaradda, halka Sayshilis ugu yartahay. Waxaa ugu mujtamac badan dalka Nayjeeriya oo gaadha 173, 611, 131 oo ruux, halka Sayshilis mar labaad tahay dalka ugu dadka yar kuna nool yihiin wax ka yar 100,000 oo ruux.
Xafiiska Bulshooyinka ee Qaramada Midoobay (UN Population Fund) wuxuu sheegay 2009 in tirada dadka Afrikaanka ahi gaadhay hal bilyan, 27 sano gudahoodna ay laba-jibbaarmi doonto. Kobaca bulshada ee qaaraddu wuxuu sannadkiiba koraa 2%. Tusaale ahaan 1950 shacabka Afrika tiradoodu waxa ay gaadhaysay 221 milyan. Taa macnaheedu waxa weeye in 63 sanadood gudahood 88 milyan oo ruux ku soo kordheen. Marka loo eego sida ay ku doodayaan dadka wax oddorrosa, Afrikaanku 2050 waxa ay gaadhayaan 1.9 bilyan, marka la gaadho 2100 bulshada Afrika waxa ay gaadhaysaa 4.1 bilyan oo ruux haddii alle yidhaahdo. Waddan kasta oo qaaradda ku yaalla dadkiisu ugu yaraan 3 jeer ayuu laba-laabmi doonaa, taasina waxa ay warwar galisay dunida inteeda kale.
In kasta oo qaaraddu haysato khayraad tiro belay, haddana wali waxa ay ku jirtaa qaybaha dunida ugu dambeeya uguna faqiirsan. Sida uu qabo Richard, oo qoray buuga la yidhaahdoThe Tolitics of Africa’s Economic Stagnation, umuurta faqriga iyo horumar la’aata waxaa lagu sababeeyaa dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: musuqmaasuq iyo eex; qorshe dhexdhexaad ah oo lagu guul darraystay; heerka aqoonta oo liita; maalgashi shisheeye oo maqan iyo isku dhaca qabiillada iyo qulqulatooyinka millatari oo joogto noqday.
Qiimayn ay Qaramada Midoobay soo saartay sannadkii 2003, waxa ay muujinaysaa in 25-kii waddan ee ugu hooseeyey xagga fakhriga, ay dhammaantood ahaayeen Afrikaan. Baanka Adduunku 2005 wuxuu shaaciyey in 80.5% dadka ku dhaqan dhulka saxarah ka hooseeya ay maalintii ku nool yihiin wax ka yar $2.5 (laba doollar iyo badh).
Dadka ku nool gobolkan saxaraha ka hooseeya waxa ay ku caan baxeen in ay noqdaan meesha dunida ugu nolosha hoosaysa isla markaana ay ku sii badanayso maxaysatadu. Laba tusaale oo kookooban aan ku siiyo. Tusaalaha koowaad; dadka ku nool waxa loo yaqaan khadka foqorka (poverty line) sannadkii 1981 waxa ay ahaayeen 50%, halka tiradaasi kor u kacday 1996 oo ay noqotay 58%. Tusaalaha labaad; celcelis ahaan ruuxa deggen saxaraha wixii ka hooseeya, maalintii wuxuu ku nool yahay 70 senti (hal doollar oo 30 santi laga jaray), sidaas oo ay tahay, haddana, qofkaasi 1970 ayuu ka nolol wanaagsanaa 2003. Labadaa qodob waxa ay muujinayaa in nolosha dad badan oo Afrikaan ahi ay hoos u sii socoto.
Waxaas oo dhami waxa ay jiraan iyada oo Afrika tahay dunida meesha ugu hodonsan xagga khayraadka dabiiciga ah. Gu’gii 2008 Shiinuhu wuxuu sheegay, marka macdanaha adduunka la isku soo xooriyo, in Afriki ka heshay saamiga ugu badan sida: 90%  cobalt, 90%  platinum, 50% dahab ah, 98 chromium, 70% tantalite, 64% manganese iyo saddex meeloodaw hal meel oo yuraaniyam ah ama macdanta laga sameeyo nukliyeerka. Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo kaligeed waxaa ku jira 70% macdanta lagu magacaabo Koltan oo ah waxa laga sameeyo moobilida lagu hadlo. Waxaa kale oo ku jira Koongo 30% macdanta dheemanta, marka adduunka oo dhan la isku daro.
Cunta yaraantii dunida ka dhacday sannaddii 2008, waxaa la sheegaa in 100 milyan oo Afrikaan ah ay noloshoodu gashay cidhiidhi dheeraad ah. 2007 shirkadaha Shiinuhu waxa ay ku sameeyeen qaaradda maalgashi dhan 1 bilyan, halka 2013 markii madaxweyne Obama safarka ku tagay uu u ballan qaaday 7 bilyan oo lagu horumarinayo kaabayaasha nolosha iyo shaqada .
Caafimaadka waxaa ka taagan jaahwareer joogto ah. Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, bishii May 2014 wuxuu soo saaray warbixin uu caafimaadka Afrika kaga warramayo. 20-ka waddan ee adduunka ugu badan xagga ummul-aroorka ama dumarka foosha ku dhinta, 19 ka mid ahi waa Afrikaan. 58% kaliya oo ka mid ah dadka ku nool saxaraha wixii ka hooseeya ayaa hela biyo nadiif ah. Xanuunada aan la kala qaadin, dhiig-karka, macaanka iyo wadna xanuuku way sii badanayaan. 300 – 500 milyan oo qof ayuu xanuuka mallaariyadu sannad kasta ku dhacaa dadka caalamka. Wax ka badan 90% dadkaasi waxa ay ku nool yihiin Afrika.
Sannadkii ina dhaafay ee 2013, warbixintii ay WHO daabacday, waxa ay ku sheegtay in tirada dadka uu HIV/AIDs-ku hayaa gaadhayso 35.2 milyan ruux. WHO waxa kale oo ay xustay, 23.5 illaa 26.6 milyan oo ka mid ah dadkaasi in ay yihiin Afrikaan, gaar ahaan inta ka hoosaysa Saxaraha. 1.6 milyan oo cusub oo Afrikaan ah ayuu xanuuku ku dhacay, halka 1.2 milyan kalena ay u dhinteen sannadkii 2012 oo qudha.
Dhibaatooyinkaas aynu kor ku soo sheegnay marka lagu daro kuwo siyaasadeed waxa ay qaaradda ka dhigayaan mid u nugul danaha lidka ku ah horumarka qaaraddu u baahan tahay, waxa ayna qaaradda ku sii haynayaan xaaladda u nuglaanshaha cadawgeedda ee ay muddada dheer ku soo jirtey imikana ku jirto. Akhirste waxa aan qaybta labaad ee mawduuceena ku soo bandhigi doonaa qodobada ugu waawayn ee ku gudban horumar balaadhan oo qaaraddu ka gaadho dhinacyada siyaasadda, dawlad wanaaga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada (Impediments to development of Africa).
La Soco Qaybta Labaad
Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
[email protected]

COMMENTS