BALIGUBADLE MEDIA
AFRICA: Qaarad U Nugul Caddawgeeda Q2aad
January 19, 2018 - Written by editor

Maqaalkii hore waxa aan ku balan qaaday in aan soo bandhigo dhibaatooyinka ku gudban horumarka qaaradda, haddaba aan qodobka koobaad ka dhigo:
Hagardaamooyinka Shisheeyaha
1884-85 shirkii lagu qabtay caasimadda Jarmalka ee Baarliin ayaa qaaradda iyo ummaddeediiba wax wayn ka beddelay. Kulankaasi ayaa lagu gorfeeyey taladii lagu qaybsaday, gumaysigii iyo addoonsigii. Addoonsigii ugu horreeyey ee ka dhaca Afrika wuxuu ahaa kii Carabtu wadday ee loo bixiyey Ganacsiga Addoomaha Carabta (Arab slave trade). Waxa uu soo bilaabmay qarnigii 7-aad, ummuadda lagu xaraashay waxa ay dad gaadhaya 18 milyan oo qof. Addoonsigii labaad ee socday qarniyadii 15-aad ilaa 19-aad, loona yaqaanay Ganacsiga Addoomaha Badda Atlaantigada, wuxuu galaaftay 7 ilaa 12 milyan oo qof oo kale. Afrikaanka laftiisu, gaar ahaan budhcadbaddeedii ka soo jeedday qoomiyadda Berberka, waxa ay qabteen isla markaana iibiyeen in ka badan 1 milyan oo Yurubiyaan dhalad ah, intii u dhaxaysay qarnigii 16-aad ilaa 19-aad. Waxaas oo taariikh ah dugsiyada lagugu ma soo barin anigana la iguma soo barin, kuwa innaga dambeeyana ha u fadhiyin in lagu baro. Taariikhda maaddiga ah ee dugsiyada lagu bartaa, waa dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee adduunka. Sababta ka fikir adigu.
Inkasta oo sanadkii 1960 loogu yeedho sanadkii xoriyada afrika, kadib markii ay waddamadii ugu badnaa xornimadooda ka qaateen  gumeystayaashii reer galbeedka. Haddana sida taariikhdu ina bartay afrika waxa ay wajahday mashaakil sababay qulqulatooyin dhiig badani ku daato, xasilooni daro iyo colaaddo, iyada oo taariikhyahanada qaarkood ku macneeyaan sababaha keenay hano qaad la’aantii iyo hagaaskii haleelay dawladnimadii cusbayd ee afrika in ay ahayd eel uu ka tagey gumeystuhu, eelkaas oo hogaamiyayaashii talada kala wareegay gumeystayaasha ku noqday dhimbiil dambas huwan oo riyo maalmeed ka dhigay himilooyinkoodii. Haddaba sida ay dad badani qabaan inta badan hogaamiyayaashii afrika waxa ay raaceen raadkii gumeystuha, oo aan ku salaysnayn waaqicii yaalay qaaradda, waxaaana hubaal ah in afrika waxa ay xasilooni siyaasadeed u heli wayday ay ugu wacan tahay hababka siyaasadda ee gumeystayaashu afrika uga tageen.
Tusaale ahaan dalalka uu ingiriisku gumeysan jirey waxa uu uga tagey dimuqraadiyada baarlamaaniga ah oo ah nooca reer galbeedka ee ka hanaqaadi karta meesha ay ka jiraan laba xisbi in ka badan oo leh siyaasad ku dhisan mabda’a dadweyne waxna qora waxna akhriya (literate society) ay shantii sanaba mar aayahooda kaga taliyaan codkooda oo ay dhiibtaan.
Akhriste dhibaatadu maaha wax qoris iyo akhris la’aanta haysata dadweynaha afrika ee dhibaatadu waaa nidaamka doorashooyinka oo afrika shisheeye ku ah. Haddi aan tusaale ku soo qaadano dalka masar intii u dhaxaysay1923kii ilaa 1952kii ama soodaan kaddib intii ay xornimada heshay ama nayjeeriya intii ka danbeysay 1964kii. Marnaba nidaamka doorashooyinka baarlamaaniga ahi ugama hir gelin sidii guusha lahayd ee uu uga hirgalay dalka boqortooyada ingiriiska.
Inta baddan axsaabta siyaasadda ee afrika markay tallada gacanta ku dhigaan ayay necbaystaan in xukunka ay sii daayaan, waxa aanay markiiba u hawl galaan sidii ay xididdada ugu siibi lahaayeen axsaabta ama dadka ka soo horjeeda. Kaalinta xisbiga mucaaridka ahi afrika waddamo baddan oo ka mid ah wali may noqon mid taabo gasha. Intaa waxa dheer wali madax badan oo afrikaan ahi waxa ay aamin santahay in xisbiga mucaaradka ahi uu fuliyo danno shisheeya, waxaanay madaxdaasi aaminsanyihiin in afrika aanay u baahnayn xisbiyo badan ee ay u baahan tahay hal xisbi oo horumar gaadhsiiya waddamada qaaradda afrika.
Aqoon yahano iyo mufakariin baddan oo afrikaan ah sida Julius Nyerere oo ahaa madaxweynihii jamhuuriyadda midawday ee Tansaaniya (United Republic of Tanzania) intii u dhaxaysay April 1964kii ilaa October 1985, isaga oo markii uu hawlgab gaadhay noqday oday musdanbeed u ah dalkiisa ilaa uu ka geeriyooday October 14th 1999. Waxa uu aamin sanaa sida aan ka soo turjumay maqaal dheer oo uu ka qoray shirkii isku kaashiga dunida  ee afrika: Global Coalition for Africa (GCA) oo ka dhacay caasimadda dalka simbaabwi ee Harare waxa uu ku xusay in maamul wanaagu yahay wax ay dalalka qaadhaanka baxshaa ku hirgalinayaan waxa loo yaqaano gumaysiga cusub (good governance sounded like a tool for neo-colonialism. We have therefore tended to despise the concept even as, out of necessity).

La Soco Qaybta Sadexaad
Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
[email protected]

COMMENTS