BALIGUBADLE MEDIA
Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Madaxwaynaha Cusub Ugu Baaqay Inaanu Soo Celin Wasiiradii Ku Caanbaxay Boobka Hantida Umadda
December 2, 2017 - Written by admin

-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, u soo jeediyo talo ku saabsan Xukuumadda uu dhisi doono, waxaanu kula taliyey inuu soo dhiso Xukuumad kooban oo waxtar leh, waxaanu uga digay inuu dib u soo celiyo Wasiiraddii ku suntanaa musuq-maasuqa, boobka hantida umadda iyo sicir bararka, waxaanu xusay haddii uu Wasiiraddiisa dib u soo celiyo, in aanu waxba bedelin.

xildhibaan

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey balan-qaadyada ilaa hadda ka soo baxaya Madaxweynaha iyo qaabka uu ilaa hadda wax u wado, ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay

“Madaxweynuhu taladda iyo go’aanku isaga ayey ka go’adaa, laakiin Xukuumad kooban oo waxtar leh ayaa loo baahan yahay, tiro kooban oo qudha lama yidhaahdo, ee inuu xusho niman waxtar leh, oo uu walibana tirada yareeyo ayaa muhiim ah, waxa kale oo muhiim ah in caalamadihii dalka wareeriyayna uu aad uga taxadiro, kursiga nin ayuun baa ku guulaysan lahaa ee ILLAAHAY ha ku asturo, laakiin nuxurku waxa weeyaan hadba talaabado u qaado, qaabka uu wax u xusho  iyo hordhaceeda, taladda guud ee qaranka ayaa wax walba deeqda, ee haddii uu qarankaas dib u hagaajiyo dadku boqolkiiba sagaal iyo sagaashan (99%), wey ku raacayaan, oo wixii wanaagsan waa lagu raaci”.

Xildhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey ka digaayey in Xukuumadda lagu soo daro masuuliyiintii ku suntanaa Musuqa hantida qaranka ee Xukuumadda muddo xileedkeedu dhamaaday ayaa yidhi “Waxa loo baahan yahay Rag xul ah, oo karaamo leh, oo aan ahayn dadkii ku suntaana musuq-maasuqa, ee dalka boobka iyo sicir bararka u horseeday, haddii uu kuwaas soo celiyo waxba muu bedelin, umadduna halkii hore ayuun bay taagnaanaysa, boqolkiiba sagaashan Wasiiraddii hore u joogay waa dad aad iyo aad ugu mamay hantida umadda, kuna calaamadaysan intooda badan, haddii uu kuwaas soo celiyo, umaddu niyad jab badan bay ka muujin doontaa, laakiin haddii uu xulo Rag nadiif ah, isaguna uu si fiican ugu dhabo galo, wax qiimo leh ayey noqonaysa, waxaana markaas laga yaaba inuu sicir bararkana wax ka qabto, horumarka dalkana wax ka qabto, dadkuna ay aad iyo aad u taageeraan intooda badani, taladdayduna waa in aan dib loo soo celin nimankii umadda boobay“.

Xildhibaan Abubakar oo ka hadlaya hadalada ilaa hadda ka soo yeedhaya Madaxweynaha iyo balan qaadkiisa ayaa yidhi “Inkasta oo ilaa imika raadad badan oo umaddu ku diirsatay uu qaaday (Madaxweynuhu), marka aad eegtida talooyinka ilaa imika ka soo baxaya, oo ah in taladda guud ee Qaranka uu wax walba ka horeeysiinayo, oo mid walba oo ordaya uu taladda qaranka ka horeeysiinayo, waa arin loo baahan yahay, oo durbaba erayo badan oo aad iyo aad loogu diirsaday ayaa ka soo yeedhaya, ee ALLE ha ku garab galo, xabaal iyo ninkeeda waa loo kala tagaa, ee isaga ayaa maanta dalka ka masuul ah, isaga ayaana looga baahan yahay inuu ku dadaalo inuu Qaranka ka dhigo, Qaran horumara, oo xaaladaas uu maanta joogo ka soo kabta”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS