BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Ka Hadlay Tayada Waxbarasho Ee Dalka
December 11, 2017 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa ka hadlay tayada waxbarashada ee dalka, waxaanu tilmaamay in Manhajka Waxbarashada ee Dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay mideeyeen.
habane
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay saamaynta ay Mobillada iyo Baraha Bulshadu ku yeesheen Waxbarashada Ardayda, Arday deeq waxbarasho ka helay dalka Itoobiya,oo cabasho muujiyey, iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi “Manhajkii Waxbarashada ee dalka oo markii hore aan isku mid ahayn, ayaanu mideeynay, oo haddii ay noqoto Waxbarashada Dawladda iyo Waxbarashada gaarka loo leeyahayba manhajkoodii waanu mideeynay, oo Buugagtii ayaanu soo

daabacnay, markii ay Hay’adduhu waxba inoo soo dabici waayeen, Hay’addihii daydayga ahaa ee inagu malafsanayey talaabo adhaxda ka jabisay ayey ku noqotay buugagta aynu soo daabacanay, waxaanu ka hortagnay in la inoo soo dabaaco manhajka Waxbarashada Somaliya, oo suuqyada gaar ahaan Cali Mataan la inoo soo dhigo, ayaanu ka hortagnay, Dugsiyadii Farsamada gacanta oo laga baqaayey waanu dhaqaajinay, oo Hargeysa dufacadii saddexaad baa ku jira, Burcana dufacadii labaad baa ku jira, Dugsigii Beer ee Burco ee Beer ku yaalayna dib baanu u furnay, Dugsigii lagu tababarayey macalimiintana Dugsiyada hoose iyo  dhexe, qaybtiisi hore wey dhamaystirantay,qaybta dambena waa la dhamayn doonaa, waxaanu diyaar u yahay in lagu hawl-galo, Dugsiyadii Boodhinka waanu xooginay, oo laba Boodhin halkan bay ka dhisan yihiin, oo Dawladdu gacan bay ka geystay, Boodhka ku yaala Dubuur, Boodhka Laascanood, Boodhinka Dayaxa, tayadii waxbarashada waanu xoojinay, oo wax badan baanu ka bedelnay, labaatankii sanno ee ugu dambeeyey Dugsiyada kamay jirin Diiwaangelinta Fasalada, oo ardaygii maqan, macalinkii maqan, yaa dhintay, yaa iska tagay dugsiga, ardayga xariifka ah, ardayga saaqiday intaba imika waa la ogaanayaa, meel kasta haddii ay tahay Dugisyada dawladda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahayba labadaba waa lagu shaqeeya “.

Wasiirka Waxbarashada mar uu ka hadlaayey Jaamacaddaha yidhi “Jaamacaddaha waanu daba galnay, oo waxaanu nidhi ardayda xoojiya, oo waxbarashadooda kor u qaada, waxaana loo baahan yahay ardayda ka soo baxaysa Jaamacadduhu inay noqdaan arday dhinac kasta ka dhisan”.

Mar uu ka hadlaayey Waxbarashada Miyiga ayaa yidhi “Waxbarashadu socon mayso haddii aan sanduuq horumarineed loo helin, oo gudde iyo dibadba aan la iska kaashan, oo waxbarashada aan la tayadeeda aan sare loo qaadin waxbarasho soconaysaa ma jirto, gaar ahaan waxbarashada miyiga ama waxbarashada daabiyadaha iyo degmooyinka gurmad qaran bay u baahan tahay”.

Wasiirka Waxbarashadu mar uu ka hadlaayey dhibaatada ay baraha bulshadu ku keeneen waxbarashada ayaa yidhi “Imtaxaankii shahaadiga ahaa ee sannadkan waa anagii xakamaynay Mobilada oo waa kuwii 1710 oo arday dhaceen, Dugsiyada sare, imikana dib ayaanu wax u barnay ardaydaas, oo bisha labaad ayaa imtixaan dambe laga qaadaya,sidaas darteed waxaan guud ahaan Ardayda ka waaninaya in Mobilada iyo baraha bulshada ee ay isticmalayaan inay sida ugu haboon u isticmalaan, oo ay ka faa’iidaystaan macluumadka iyo cilmiga, oo ay ka dheeradan waxyaabaha dhaqan xumada ah, ee lagu isticmaalo Mobilada, marnabana yaanay isku halayn Mobilka, ee Maskaxooda ha isku haleeyaan, oo Waxbarashada ha ku dadaalan”.

.Wasiirka Waxbarashada mar aanu wax ka weydiinay arday dalka Itoobiya u tagaysay deeq waxbarasho oo cabasho ka muujiyey ayaa yidhi “Deeqdaas Waxbarasho ee Itoobiya wey jirtaa, balse wali may soo bixin, wax yar baa u hadhsan, insha allaah markay deeqda waxbarasho u soo baxdana toos bay u tagi doonaan, markaas muddadaas kooban ee ay u soo baxayso ha sugaan”.

Dhinaca kale wuxuu Wasiirku soo dhaweeyey Maktabada Qaran ee shalay xadhiga laga jaray, waxaanu tilmaamay inay wax badan ka tarayso Waxbarashada dalka.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS