BALIGUBADLE MEDIA
Wasiiradii Umadda Boobay ee Xukuumadda Siilaanyo oo Hotelada Hargeysa Isku Shirsanaya Iyo Jawaabta Adag ee Laga Filan Karo Madaxwayne Muuse Biixi
December 22, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha cusub ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaan xukuumadiisa ku soo darin masuuliyiin tiro badan oo ka mid ahaa xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo umaddu khaati ka istaagtay islamarkaana madaxwaynaha cusub markii doorashadda loogu dhawaaqay ugu baaqay inaanu ku soo celin wasiiradii hantida umadda sida foosha xun u boobay.

madaxwayne biixi

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wakhtigii uu dhisayey xukumadiisa cusub waxa uu meel iska saaray wasiiradii ka tirsanaa xukuumadii madaxwayne siilaanyo kuwaas oo umaddu in badan uga digtay madaxwaynaha cusub inuu soo celiyo.
oo uu ka soo qaatay sadex wasiir, laba wasiir ku xigeen iyo hal wasiiru- dawle oo uu dib u soo magacaabay.

Talaabada uu madaxweyne Muuse Biixi xukuumadiisa kaga reebay wasiiradii tirada badnaa ee xukuumada hore ayaa keentay inay masuuliyiintaasi ay ka tashadaan jawaabtii ay bixin lahaayeen.

Xubnaha ugu muhiimsan golihii wasiirada ee xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ayaa habeenadii ugu dambeeyey shirar ku lahaa magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka tashanayey jawaabta ay siyaasad ahaan ka bixin karaan go’aanka Madaxweyne Muuse Biixi kaga reebay xukuumadiisa.

Wararka laga helayo shirarkaas ayaa sheegaya in wasiiradii hore ay isla qaateen inay wakhtigan bilaabaan qorshe ay kula wareegayaan hogaanka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, kaas oo haatan gacanta ugu jira madaxweyne Muuse Biixi, wasiirkiisa arimaha gudaha, wasiirkiisa xanaanada xoolaha iyo xubnihii kale ee hogaanka xisbiga.

Wararka ayaa sheegaya in wasiir Maxamuud Xaashi oo ahaa wasiirkii ugu awooda badnaa xukuumada madaxweyne Siilaanyo uu dabada ka riixayo kulamadan ay iskugu imanayaan masuuliyiinta xukuumadii hore, isaga oo damacsan inay la dhaqaajiyaan  qorshe uu damacsan yahay inuu kula wareego hogaanka xisbiga Kulmiye, waxaanay wararku tibaaxayaan inuu hada samaynayo isku daygii ugu dambeeyey ee uu ku doonayo la wareegida awooda xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu jiro qorshe kale oo ay ku wada socdaan wasiiradii hore ee xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaanyo iyada oo uu jiro damac labaad oo ku wajahan xisbiyada kale oo ay meel dhigteen.

Dhinaca kale warar laga helayo madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegaya inuu damacsan yahay inuu isku wada hayo xilka madaxweyne iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, iyada oo ay wararku tibaaxayaan inuu ku doodayo in dhibaato ka imanayso haddii la kala saaro xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kuwaas oo uu sheegay inaanay isla jaanqaadi Karin.

Qorshaha madaxweyne Muuse Biixi uu doonayo inuu isku hayo xilka madaxweyne iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa tusaale cad u ah inuu xubno ka mid ah hogaanka xisbiga ku daray xukuumadiisa cusub, kuwaas oo uu waliba u dhiibay wasaarado muhiim ah.
si kastaba ha ahaatee waxa jira dareen taban oo u dhaxeeya madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiiradii hore ee xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo si hoose iskugu khilaafsan qorshaha lagu dhisay xukuumada cusub,iyada oo wasiiradii hore ay aaminsan yihiin inay tacab badan gashadeen xisbiga Kulmiye iyo murashaxiintiisaba taas oo ay filayeen inay mar labaad ka muuqan doonaan xukuumada cusub ee madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhinaciisa go’aansaday inaanu mar labaad bulshada hor keenin wasiiradaasi oo eedo badan loo jeedin jiray, waxaana hada la dhawrayaa halka ay ku biyo shubtaan qorshayaasha iska soo horjeeda ee u dhaxeeya madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiiradii xukuumadii hore.
isku soo wada duuboo waxa umaddu aad ula yaabtay in wasiiradda aan todobaadna umadda ka sii maqnayni ka shiryimaadaan waxaan loo fadhiyin islamarkaana aanay jirin cid xoog iyo awood ku raadin karta mansabyadda umadda madaxwaynuhuna xaq u leeyahay inuu go’aan cad ka qaatay wasiiradaas.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS