BALIGUBADLE MEDIA
WARMUTIYEED: HAMBALYO KU SOCOTA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN CABDIRAHMAN SAYLICI
December 7, 2017 - Written by admin

Gudiga Xisbiga Kulmiye ee Laanta Ottawa (Casimada Canada) waxaa
Sharaf weyn u ah ayagoo ku hadlaaya magacooga gaarka ah iyo kan taageereyaasha Xisbige ee Laanta
Ottawa, inay halkan ka hambalyeeyaan Madaxweynaha shanaad ee ummada Somaliland doorteen Mud.
Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan A. ISMACIIL Saylici.
Waxaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa u soo gudbinaynaa hambalyo balaadhan oo kal iyo lab ah,
waxaanan ku ladhaynaa duco miisaan leh oon Ilaahay uga baryayno inuu xilka loo igmadey Rabigeen ku
garab galo. Waxaan Madaxweyne Biixi iyo ku xigeenkiisa Raxmaanka uga baryaynaa caafimaad taam ah
si ay u gutaan xilkaa culus ee dadkoodu dusha ka saareen.
Guusha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka soo hooyay doorashadii xalaasha ahayd ee Noember 13
keedii ka qabsoontay dalka, waxay astaan u tahay qaanqaadhnimada Somaliland oo ku talaabsatay
wadadii horumarka iyo aqoonsaga jiritaankeeda. Waxaanan aaminsanahay in hogaanka cusub dalka
Somaliland iyo ummadiisa gaadhsiin doono maqam sare iyo badhadhe. Md. Muuse Biixi Cabdi oo ah
madaxweynihii shanaad ee dalka hogaanka u qaban doona waa hogaamiye aad loogu hanweyn yahay
taasina waxaa marag u ah aqlabiyada kalsoonidooda uu hantay.
Gudiga Kulmiye ee Laanta Ottawa waxaan aaminsanahay in Madaxweynaha Cusub ee dalku, siduu ku
balan qaadey, xaqiijin doono midnimada iyo wadajirka ummada isagoo adeegsanaaya kartidiisa

hogaanimo ee salka ay u yihiin wadatashi, dhagaysi iyo ixtiraam looga bartay habdhaqankiisa
siyaasadeed.
Ugu dambayn Gudiga Xisbiga Kulmiye ee Ottawa waxay Ilahay uga Baryayaan Madaxweynaha cusub iyo
ku xigeenkiisa inuu xilka ku asturo oo ay noqdaan masuuliyiin Somaliland mahadiso
.
Gudiga Xisbiga Kulmiye ee Ottawa wuxuu munaasabadan uga faa’idaysanayaa inuu guud ahaan u
mahadnaqo codbixiyaasha Somaliland ee ka qaybgalay doorashadii taariikhiga ahayd oo u qabsoontay
qaab iyo nidaam curad ku ah qaarada Afrika. Waxaan ugu baaqaynaa Ummada Somaliland inay
isbarbartaagaan Madaxweynaha Cusub kuna kalsoonadaan inuu ugu hambayndoono siday ugu liseen oo
micnaheegu yahay in Muuse Biixi yoolka saaraayo midnimada shacbiga Somaliland, waayo waa Madaxii
Qarankeena mudan inaan wada ilaashano.
ALLAH MAHADLE, WA BILAAHI TAWFIIQ

Warmutiyeedkan waxaa soo diyaariyay Gudiga Xisbiga Kulmiye ee Ottawa

GUDOOMIYAHA
NAASIR CUSMAAN CUMAR

COMMENTS