BALIGUBADLE MEDIA
Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo Madaxwaynaha Cusub Ugu Baaqay In Waxa Kaliya ee Umadda Deeqda Tahay Cadaalad
December 16, 2017 - Written by admin

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay in guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu adeeggo sinaan iyo cadaalada,oo dadkii u codeeyey iyo kuwii aan u coddeyba u cadaalad sameeyo, madaama uu sheegay inuu Madaxweyne u wada yahay.

suldaan-Xirsi-Qani

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay inuu si joogto ah ula xisaabtamo Wasiiraddiisa, oo uu shaqadooda iyo xilka ay umadda u hayaan uu ku daba galo, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si rasmiya ayaa xilkii loogu cimaaday, loona caleemo saaray, xilkiina waa

loo dhaariyey, markaas taladdaydu waa Madaxweyne umaddan cadaalad ayaa deeqda, ee dadkii ku coddeeyey iyo kuwii ka coddeeyeyba, adigaa u wada madaxweyne ah, ee u cadaalad samee, oo si siman ugu cadaalad samee, oo si isku mid ah wax ugu wado qabo, oo cid gaar ah masuuliyadi kama saarna, ee umadda oo dhan ayey masuuliyadi ka saaran tahay ILLAAHAY ka sakow, inuu ILLAAHAY xilkaas qaran ee aad qaadayna inuu ku fududeeyo ayaanu kugu ducaynaynaa”.

Suldaanku mar uu ka hadlaayey Wasiiradda ayaa yidhi “Waxaan kugu boorinayaa Madaxweyne in Wasiiradda iyo dadka aad xilka u dhiibtay, aad la xisaabtanto, oo xilka ay umadda u hayaan  inay si daacadnimo ku dheehan tahay inay uga soo baxeen iyo in kale inaad ogaatid oo aad la socotid ayaan kugula talinayaa”.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi mar uu ka hadlaayey baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada ayaa yidhi “Xukuumadda taladda dalka la wareegtay, ee uu Madaxeweynuhu hormoodka u yahay waxaan kula talinayaa in xooga la saaro sidii kor loogu soo qaadi lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha, isla markaana sicir bararkan bulshadii naafayeyna meesha looga saari lahaa”.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS