BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland: Waagacusub Ummad-qaybsan + Hoggaan Mideeya Iyo Walbahaarka Daymaha
December 13, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha cusub ee dhowaan la doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu hoggaanka u qabto Jamhuuriyadda Somaliland shanta sanno ee soo socdaa, xilli uu dalka ka jiro kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda ah, taasoo ka dhalatay debaca hoggaamintii Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo cunfigii lagu oloolleeyey xilligii doorashadda.

jeegaan2
Waxa kaloo intaa raaca oo weliba culimada dhaqaalaha ku takhaakhusay saadaaliyeen Madaxweynaha la doortay inuu dhaxli doono Dayn xad-dhaaf ah iyo dhaqaale burbur baahsan. Iyo sidoo kale fadhiidnimo weyn oo dalka kasoo food-saartay Siyaasadda arrimaha dibeda, oo iyaddu gabi-ahaanba hadda aan lahayn meel dhaq-dhaqaaqaysaa.
Haddaba, arrimahan oo Wargeyska Yool waxka waydiiyey dadka Siyaasadda gorfeeya, waxay badidoodu ka middeysnaayeen Madaxweynaha cusub inay la gudboon tahay inuu la yimaado Siyaasad wax daweysaa, isla markaana tallaabada u horaysaa ee u qaadaa noqoto inuu soo dhiso Xukuumad bulshada middeeysa, oo meesha ka saarta dhacdooyinkii is-daba socday ee dhacay mudadii Madaxweyne Siilaanyo xilka hayey iyo nacaybkii bulshada kala galay xiligii doorashada Madaxtooyadda Somaliland. Docda kale, khubuuradani waxay werwer ka muujiyeen halista ay keeni karto Daymo aan cilmi ku dhisnayn oo xad-dhaaf ah in lala kala wareego, iyaddoo weliba dalku uu haatan ku jiro xaalad hoga-sho dhaqaale ah, isla markaana aanay jirin meel keliya oo qaranku leeyahay oo bed-qabtaa ama ka fayow dhaqaale gariirka Somaliland ku hab-sadday.
Tusaale ahaan hadii aynu ku hormaro masallada la xidhiidha kala qaybsanaanta bulshada iyo debaca Siyaasadeed ee Madaxweynaha la doortay uu dhaxli doono iyo sida ugu huffan ee u kaga bixi karo, metelan maalintii ay guddida dooraashoyinku ku dhawaaqeen natiijaddii doorashada, wixii ka dambeeyey mudadaa Madaxweynaha la doortay waxa uu sameeyey dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed, sidoo kale waxa uu kulamo la sameeyey Siyaasiyiin, aqoonyahan, madaxdhaqameed iyo hal-door kala duwan, kasoo kala jeeda deegaamo kala duwan, kuwasoo qaarkood deegaanadooda anu taageero badan ku lahayn xilligii doorashada Madaxweynaha cusubi, arrimahaasi waxay ahaayeen kuwo muuqaalkii jiray waxka bedelay, isla markaana dhaliyey ama abuureen hadallo yididiilo leh, gaar ahaan markaa la eeggo xaaladda adag ee laga dhaxlay Doorashada.
Tallaabooyinka noocaas ah dadka Siyaasadda dersaa aadbay usoo dhoweeyeen, inkastoo dadka Wargeysku arrinkaa waxka waydiiyey qaarkood ku fasireen dhaqdhaqaaqyada Madaxweynaha la doortay kuwoo waajibku ah Madaxweyne kastoo cusub markii kursiga yimaado inuu debac badan u miijiyo dadkii ay kala foggaadeen xilligii doorashadda, isaggoo taa u yeelaya in xukuumadda iyo hoggaamintiisa cusub uu kaga badbaadiyo mucaaridad ka hor timaada. Hase-ahaatee marku kursiga saani ugu fadhiisto, ujeedooyinkii u siyaasadda ka lahaana badi u meel maraan aakhirka marka la gaadho doorasho ama wax la mid ah uu halkiisii hore kala soo baxo, mad-haabkii xanafta Jeegaanta iyo waxyaabihii kale ee kala qaybinta Bulshadda.
Hase-yeeshee Madaxweynaha la doortay hadii ujeedadiisu tahay inuu ummadda mideeyo, waxyaabihii Xukuumaddii ka horraysay ka qaloocdayna uu saxo, isla markaana uu noqdo hoggaamiye taarikhda wax wanaagsan ku gala, waxa la gudboon inuu middeeynta iyo badbaadada qaranka dhismihiisa ka bilaabo golaha Xukuumadda uu soo dhisayo, isla markaana u xulo xilalka dad majuur ah oo bulshada isku wada oo middeeya, isaggoo Madaxweynuhuu arrinkaa kasoo bilaabaya badhasaabyada gobollada uu u magacaabi doono, waayo?. Tusaale ahaan badhaasabka Maanta Madaxweynaha la doortay u magacaabo gobolka Togdheer, waa inuu noqdaa Nin isku wadi karaa bulshada reer Togdheer, kana daweyn karaa xanaftii doorashadda, sidoo kale gobollada Sanaag, Sool, Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil iyanna waa lamid, balse hadii Madaxweynaha la doortay dhabbahaa mid ka duwan maro oo hubaal ah inuu dhaxli doono mucaaridad iyo mudaharaado, taasina ay wiiqi doonto hoggaamintisa.
Waxa kaloo xusid mudan go’aanka Madaxweynaha la doortay ka qaato golaha xukuumadda uu soo dhisayo, siiba golaha Wasiiradda oo bulshaddu iswaydiinayso waxa uu ka yeelayo Wasiiradda todobada sanno daabaqaaddu ku dhacday ee naanaysaha kula baxay musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda, hadii uu soo celiyo waxa intaa raaca oo isweydiin mudan Siyaasadda arrimaha dibeda, gaar ahaan wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya iyo sidoo kale cilaaqaadka Somaliland iyo Dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa deriska nahay, oo iyagga laftoodu isaggu jira kuwo kasoo horjeeda qadiyadda madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwo aan cunfi badan ka qabin, balse aan laga hawlgelin.

source: yool

COMMENTS