BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakiuur oo Badka Soo Dhigay Shirqoolo Dhagaraysan oo Madaxwayne Farmaajo Ku Doonayay In Lagu Khaarajiyo
December 25, 2017 - Written by admin

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweyaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo faah faahin ka bixiyay weerar gurigiisa ay ku qaadeen todobaadkii hore ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
cabdiraxmaan cabdishakuur
Wuxuu sheegay in weerarkii Gurigiisa lagu soo qaaday la doonayay sida uu hadalka u dhigay in lagu qaarajiyo isaga oo mas’uuliyada arintaa dusha uga tuuray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

‘’Waxa loo ridayay madaafiicda iyo Dhashiikaha waxey aheyd in la muujiyo in meesha uu dagaal ka socdo, ujeedaduna waxey aheyd in nala qaarajiyo, waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo mas’uuliyada weerarkaa waxaa iska leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qof kale oo aan u heysanyo malaha, waan naqaannaa Wiilashii weerarka ka qeybgalay iyo saraakiishii hogeemineysayba’’ ayuu yiri Cabdirxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu sheegay intii uu weerarku socday in ay khadka ku jireen madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha iyo Agaasimaha madaxtooyada oo sida uu hadalka u dhigay Raadiyayaasha leyska maqlo ee ciidamada nabad-sugida hadba daqiiqad daqiiqad ula soo hadlayeen.

‘’Cadeymo ayaan arintaa u heynaa, waxaan ognahay in wali cadaadis iyo canaan lagu hayo saraakiisha iyo ciidamadii howlgalka ka qeybgashay, waxaan cadeyn u heynaa in wali ay cadaadis ku hayeen saraakiishii ku fashilmay in aan is qaarajino waliba gaar ahaan sarkaalkii gudaha Guriga soo gallay oo aan loogu talagalin in sidoo kale isagana cadaadis lagu hayo’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in cadeymaha la xiriira in ay weerarkaasi ka danbeeyeen madaxda sare ee dalka loo daliishan karo cadaadiska iyo dhibaatada ay ku hayaan laamaha cadaalada iyo garsoorka madaxa-bannaan.

‘’Waxaan ognahay in ay cadaadis ku hayaan cadaalladii oo ay leeyihiin arintii hala fuliyo oo  halaga daba-taggo oo garsoorkii madaxa-bannaanaa wali cadaadis ku hayaan, waxaan rabaa marka in aan idin cadeeyo waxa Allaale iyo wixii na soo gaara haantan iyo kaddib mas’uuliyadeeda waxaa iska leh Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhiiggeena loo heystaa’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shirkiisa Jaraa’id ayuu ka digay in dalka dib loogu celiyo sida uu hadalka u dhigay Cabdiraxmaan dagaal sokeeye.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS