BALIGUBADLE MEDIA
Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Hadlay Muhiimada Wada Tashigu U Leeyahay Hogaamiyaha
December 16, 2017 - Written by admin

-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda ay Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta u leedahay inay la Tashi ka sameeyaan Go’aannada ku saabsan Masiirka Ummadaha ILAAHAY hoggaanka uga dhigay.
sheekh aadan siire
Sheekh Aadan-siiro wuxuu Khudbaddiisa ku soo qaatay Aayado Qur’aanka Kariimka ah, Axaadiista Nebiga (CSW) iyo talooyin laga dhaxlay Amiirul Muuminiinkii soo xukumay Muslimiinta.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Abu Bakar oo ahaa Qofka ugu Fadliga badan Muslimiinta Dunida marka rasuulka laga reebo, markii Talada Muslimiinta loo dhiibay wuxuu yidhi ‘Taladiinii ayaa la ii dhiibay Aniga oo aan ahayn kii idiinku khayrka badnaa, haddaan wanaajiyo (Taladiina) igu gargaara,

haddaan wanaajin waayo i toosiya, wuxuu yidhi i yeela intaan Dariiqa toosan iyo dariiqa ILAAHAY ku suganahay, haddaan ka leexdana ha igu raacina ee iga joojiya’..”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Waddamada Muslimiinta halkaa waxa dhigay Keligood taliyeyaal, Qofku isagoo khaldamay ayay sacabka u garaacayaan oo ay odhayaan ‘Wuu soo daahiray’, taasi waxay keenaysaa in Qofka (masuulka) ahi uu ku adkaysto (khaladkii) isagoon Taladii Toosnayd haleelin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nin Reer Miyi ah oo Muslim ah ayaa Rasuulka (CSW) waydiiyey ‘Goormay Saacaddu dhacaysaa (Qiyaamaha) ? Rasuulku (CSW) wuxuu ku yidhi ‘Marka amaannada la dayaco ayuu Qiyaamuhu dhacayaan’, dabadeedna wuxuu sii waydiiyey ‘Nebi Alloow sidee loo dayacayaa Amaannada aad sheegayso marka la dayaco in Saacaddu dhacayso?. Rasuulku (CSW) wuxuu ugu jawaabay ‘Talada marka loo dhiibo meel aan u ehel ahayn, Maalintaas waxaad sugtaa qiyaamihii wuu taagan yahaye’..”

Sheekh Aadan waxa uu Khudbaddiisa kaga hadlay sida aan Cid kasta loogu dhiibi karin Talada Ummadda “Abaadar Al-qafaari oo ka mid ahaa 180 Saxaabi ee Rasuulku ugu jeclaa ayaa Rasuulka (CSW) u yimid, dabadeedna wuxuu yidhi ‘Nebi Alloow Dadkii Shaqo ayaad u wada dhiibtay (Ee Anigana i shaqaalaysii), markaas ayuu Nebigu la hadlay oo uu ku yidhi ‘Abadaroow Adigu ma awoodaysid amaano, weligaa laba Qof ha u talin ee Shaqadaada (Gaarka ah) qabso’..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Rasuulku CSW (Markii uu Geeriyoonayey) wuxuu yidhi Abu Bakar ha tukiyo Salaadda Dadka Muslimiinta, laakiin Caa’iisha ayaa Rasuulku ku tidhi ‘Abuu Bakar waa Nin Qalbi jilicsan oo oohin badan ee yaanu Muslimiinta Salaadda tukin, laakiin Nebigu CSW wuxuu yidhi ‘Waxaan idin farayaa Abuu Bakar Muslimiinta ha tukiyo’. Caa’iisha waxay doonaysay inay Aabbaheed (Abuu Bakar) talada ka wareejiso, hasa-ahaatee Rasuulku CSW markuu lahaa Abuu Bakar ha tukiyo Muslimiinta wuxuu ishaarayey Qofka Muslimiinta Hoggaanka u noqonaya ee uu kaga tagayo, markaas Qaarna Rasuulku sidaas ayuu ugu adkaa inay talada qabtaan, qaarna inay Ummad u taliyaane Laba Qof ha u talinina ayuu ku yidhi..”

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu ka hadlay Ahmiyada la tashigu u leeyahay Madaxda Ummadda “Abuu Bakar baa Yasiid Binu Sufyaan oo ahaa Nin Dhallinayaro ah u dhiibay (hoggaan uga dhigay) Ciidan baxaya oo Shaam oo dhan Taladeeda qabanaya, markaas ayuu Abuu Bakar ku yidhi ‘Waxaan kugu dardaarayaa in aanad qaadan talo aanu goyn Caamir Binu Jaraax oo Ciidankaaga ka mid ah, Talo aanad kala tashan Mucaad binu Jabal-na ha ku dhaqaaqin. Markaa Aqoon kasta oo aad leedahay, Karti Kasta oo aad leedahay, Garasho kasta oo aad Dadka u leedahay, Talada Muslimiinta oo Talo la’aan la qaadan karaa ma jirto (La Tashi la’aan)…”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka warramay Talooyin ay soo jeediyeen Amiirul Muuminiinka Muslimiinta soo xukumay “Cali Binu Abii Daalib wuxuu yidhi ‘Arrinta kugu adkaata waxa ugu wanaagsan ta aad Dadka kala tashato, Arrinka ugu xuna waa inaad Talada Adigu isku koobto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas ii raaciyey “Waxa la yidhi, inaad Dadka la tashataa Adiga waa kuu raaxo, kuwa kula talinayaana Maskaxdooda ayay tuujinayaan oo way daalayaan, markaa waxaan ku soo ururinayaa Talada Ummadda hala badsado marka la doonayo Go’aannada qaarkood in la qaato.”

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu soo dhaweeyay Talooyin uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin u soo jeediyey Madaxweynaha cusub ee Somaliland “Waxaynu taageeraynaa Khudbaddii Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ka koobnayd Saddex qodob oo ‘hala ilaaliyo Midnimada Ummadda, Cadaaladda iyo Sinnaanta iyo Taladu yaanay baahin ee halkeeda ha lahaato”ayuu yidhi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS