BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Somalia Oo Sheegay In Ciidamadda AMISOM Ka Bixi Doonaan Dalkiisa
December 25, 2017 - Written by admin

Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ciidamada ka socda AMISOM ee degen garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ay ka bixi doonaan sanadka 2018.

khayre

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in la gaaray waqtigii la isticmaali lahaa garoonka Muqdisho Stadium Dowlada Soomaaliyana ay qorsheyneyso sidii dayactir buuxa loogu sameyn lahaa.

“In dib loogu soo celiyo garoonka Stadium Muqdisho gacanta shacabka waa mid ka mid ah qorshaha dowlada waxayna u abuureysaa dhalinyarada fursado.”ayuu yidhi  ra’iisul wasaare Kheyre isagoo ka hadlayay munasabad lagu sagootinayay xulka kubbada cagta maamul goboleedka Jubbaland oo dhowaan ku guuleystey tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada.

Khudbad uu ka jeediyay xafladii sagootinta ayuu ku sheegay ra’iisul wasaare Kheyre in dadaalku uu yahay mid guul laga gaaro isagoo tusaale u soo qaatay xulka Jubbaland oo sanadkii hore loogaga badiyay ciyaarta finalka balse marka ay isa soo dhiseeen oo ay dadaaleen ay sanadkan koobkii ku guuleystey.

Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed C/qani Siciid Carab ayaa soo dhoweeyay warka ka soo baxay ra’iisul wasaare Kheyre waxana uu sheegay in ciyaaraha Soomaaliya ay hormari doonaan haddii dib loo dayactiro oo lagu ciyaaro garoonka Muqdisho Stadium.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS