BALIGUBADLE MEDIA
Nuxurka Khudbadii Madaxwayne Farmaajo Ka Jeediyay Munaasibadii Dawladda Somalia Hawada Kula Wareegtay
December 28, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu badashay dhaqansiyaasadeed horay u jiray oo dhibaato u keenay sida uu hadalka u dhigay shacabka Soomaaliyeed.
farmaajo
Madaxweynaha ayaa maanta xariga ka jaray xarunta laga maamuli doono Hawada Soomaaliya oo muddo dheer laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaan bedelnay dhaqan siyaasadeedkii horay u jiray, wax alla wixii khilaaf ee dowladda dhexdeeda ahaa in la joojiyo, waxaa ognahay in wixii sanad walba jiri jiray, dowladda dhexdeeda waa ka ilaalinay Khaliaaf, anaga ugu horeeyo iyo ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa inaba wax haba yaraatee wax is qab qabsi ah, taasna waa bedelnay, umadda Soomaaliyeed waxaa u sheegeynaa inaan wax ka bedelnay wixii horay u dhacay ee dhibaatada in oo keenay”ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in ay diiradda saarayaan sidii loo xoojin lahaa Dimoqraadiyadda, Dastuurkana loo dhameystiri lahaa, si loogu diyaar garoobo in dalka ay ka dhacdo sanadka 2020 doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu xusay in aaminsan yahay in la gaari karo.

Khudbada madaxweynaha ayaa imanaya xili dowladda ay wajaheyso mucaaradad xooggan oo uga imanaya siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ku dhaliilaya in ay baalmareen sharciga iyo dastuurka dalka u yaala.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS