BALIGUBADLE MEDIA
NIN DHAGA’LA AYAA IGU YIDHI: LACAGTII ABAARAHA MEEDAY? INTUU LABADII GACMOOD ISA SAARAY AYUU HADANA IGU YIDHI: MA KULMIYE TANUU ISKU DILAYAA?
December 7, 2017 - Written by admin

ASC UMADA REER SOMALILAND OO DHANOOW GUDE IYO DIBADBA

Anigoon hadalka tarmin, maanta bal aan in yar idiinka taabto Xaajooyin iyo Caadooyin aynaan lahaan jirin, hadana si xawliya inooga soo If-baxay,
Baryahanba dhaqamada inagu soo kordhay waxa ka mid ah, inaan la samayn tira koob waligeed laakiin layska ururiyo lacag loo sibir saarayo ABAAR KAGA BAX,  lagu naanayso in lagu taakulaynayo dadkeena dhibaataysan!

Somaliland waligeed kamay dhicin lacag xadigaa leh (waxaan ka hadlayaa lacagtii Dadkii damiirka iyo Damqashada u lahaa Dadkooda tabaalaysani ay bixiyeen), oo xitaa kuwii ururinayay markii la waydiiyay waxay ku hadleen walaahi baan ku dhaartee waan ka yaabay Wadaad Gadhka Caweefa lahaa wuxuu ku jawaabay. Intuu sheegay Wadartii Guud, ayuu kala qaad qaaday, markaasay kor intaydoonto u dhaaftay Wadartii Guud ee markii hore uu yidhi waa intaas! markalaan daawaday, waaba isagii oo sidii u wada Cabdoo Khalad Xisaabtii!

Waar nimanyaw yaadhaheen! Sanadkan (2017-ka) waxaabaad moodaa inaynu Xisaabtii qaldayno noocay doonto ha ahaatee – ma natiijadii gudidii If iyo Aakhiraa, ma Sakadaa, ma Lacagtii Abaarahaa !!!?

Waxa kaloon aad ula yaabaa, oon idhaahdaa ma tanaa Ubadkiinuna usoo korayaa waxa weeye halku dhegyo loo samaystay: Sida Looga Haago Hantida Qaranka!
Waxa la yidhaa 4 qodob ee hoos ku xusan: RUKUNADA IIMAAN LA’AANTA SABANKA, waxaan uhoreeya:
1- Xaqul Qalin
2- Dufan
3- Xaflad (necbiyaa waa Shir Shaxaad caadiya oo ninka laba eray yidhaaba: Inankaa dambe u tagbaa la yidhaa)
4- Caanihiisii (yacnii markii uu u ku hantaatacay Beel ama Nin xukumada ka mowqif duwan, ayaa la odhanayaa Caanihiisii Odayga siiya)
……bal way badan yihiine waa inoo mar kale.

shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay akhristayaasha sharafta lehoow

SANWAA CUMAR YARE
Freelance Political Commentator
E-mail: [email protected]

COMMENTS