BALIGUBADLE MEDIA
Mudaharaad Lagu Difaacayey Fanaanka Nimcaan Hilaac Oo Boorama Ka Dhacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
December 17, 2017 - Written by admin

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xadhiga fanaanka Nimcaan Hilaac oo ka dhacay magaalada Boorama.
news3
Dadka ku dhaqan xaafada Xaaslayda ee magaalada Boorama ayaa mudaharaad kala hor yimid ciidamada amaanka oo doonayey inay xidhaan fanaanka Nimcaan Hilaac, iyada oo iska hor imaadka ciidamada iyo dadka shacabka ah uu ka dashay khasaare dhaawac ah kaas oo soo gaadhay laba askari iyo qof shacab ah.

Dadka ku dhaawacmay mudaharaadkan ayaa haatan lagu dawaynayaa cusbitaalka guud ee magaalada Boorama.

Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaan ilaa hada la ogayn meel uu kaga sugan yahay magaalada Boorama, iyada oo ciidamada amaankuna ay ku dedaal ugu jiraan  sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS