BALIGUBADLE MEDIA
Maxkamada gobolka Banaadir oo sharci darro ku tilmaamtay xarigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur
December 21, 2017 - Written by admin

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa duhurnimadii maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaddib markii saakay maxkamaddu ay u fariisatay kiiskii loo heystay.
mcf
Maxkamada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, Xildhibaan Mahad Salaad, Xeer Ilaaliye ku xigeenka Qaranka Maxamed Xassan, goob joogayaal kale oo loo ogolaaday dhageysiga maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in wax dambi ah uusan laheyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur, islamarkaana xariggiisa aan loo marin Waaran Maxkamadeed.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxamed Xassan ayaa dalbaday in kiiskan ay ka qaataan Racfaan, balse go’aankaas Maxkamadda ayaa ka diiday, waxaana ay sheegtay dacwadan in ay soo xirantay oo noqosho dambe aysan laheyn.

Xeer ilaalinta ayaa horay u dalbatay in muddo Shan Cisho ah la siiyo si ay u keenaan cadeymo ku filan hasse ahaatee Maxkamada ayaa taa ka diidday oo ka dalbatay muddo 24 Saac gudahooda ah ku keenaan cadeymaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadda u muuqda shaqsi xoriyadiisa dib u helay ayaa xalay waxaa damaanad ku sii daayay dowladda Federaalka oo ku wareejisay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiin isku howlan sii deyntiisa.

Source: Hol

COMMENTS