BALIGUBADLE MEDIA
Mareykanka oo rajo ka qaba in dowladda Soomaaliya hormariso isla xisaabtanka ciidamada
December 16, 2017 - Written by admin

Xog-hayaha Gaashaandhigga dowladda Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in dowlada Soomaaliya hormariso sidii looga gudbi lahaa in la musuqmaasuqo gaargaarka ay dowlada Maraykanka siiso ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
USAU
“Waan hubaa in xal laga gaari karo arrinkan haddii aan dhamaan la wada xalin qeyb ka mid ah waa la xali karaa.”ayuu yiri Jim Mattis isagoo la hadlayay weriyaal ku sugan Pentagonka.

Joojinta Saadka la siiyo ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa timid kadib markii ay soo if baxday musuqmaasuq lagu sameeyo gargaarka loogu talogalay ciidamada.

“Joojinta Saadka waxaa loo sameeyay si loo xaqiijiyo in gargaarka Maraykanka uu bixiyo ay gaarto ciddii loogu talagalay.”ayuu yiri sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibadda Maraykanka.

Hasse ahaatee dowlada Soomaaliya ayaa oggolaatay in ay u hogaansanto heerka isla xisaabtanka ay dowlada Maraykanka ay dooneyso.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mattis ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyo dhaqanka musuqmaasuqa uu yahay mid waqti dheer qaadanayso, waxaana uu ku tilmaamay Madaxweynaha Soomaaliya hogaamiye u qalma in la taageero.

“Waxaan leenahay xiriir wanaagsan Madaxweyne Farmajo iyo maamulkiisa,balse sida aad ka warqabto waxaa uu dhaxlay xaalad adag.”ayuu yiri Xog-hayaha gaashaandhigga Maraykanka Mattis.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in dowlada Maraykanka ay sii wadi doonto gargaarka ay siiso ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya kuwaasoo ay tababar iyo kormeerba ay ku sameeyaan ciidamo Maraykan ah.

Source: hOL

COMMENTS