BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynihii Hore Ee Dalka Yaman Cali Cabdala Saalax oo La Dilay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Weeraro Socday Mudo Todobaadyo Ah.
December 4, 2017 - Written by admin

Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax lagu dilay dagaal uu Xuutiyiinta kula galay magaalada Sanca.

Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in “la afjaray dhibaatada maliishiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda”.

cali cabdalla saalax

Dad ka tirsan xisbiga Mr Saalax ayaa sidoo kale xaqiijiyay geeridiisa, sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan maydka qof u eg saalax oo dhaawacyo xun ay ka gaadheen madaxa.

Xisbiga siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay ayaa beeniyay in la dillay xilli hore, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay qarxiyeen gurigiisa ku yaalla caasimadda Yaman ee Sanca.

Wixii ka horeeyay isbuucii tagay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi oo la doortay ka dib markii Saalax xilka looga tuuray kacdoon ayaa xarun ka dhigtay Sacuudiga.

Balse khilaaf siyaasadeed iyo muran dhanka maamulka ee masaajidka wayn ee ku yaalla meesha mucaaradka ay maamulaan ee Sanca ayaa sababay dagaal culus oo oo dhexmaray taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax iyo maleeshiyada Xuutiyiinta.

Ugu yaraan 125 qof ayaa ku dhimatay, 238 kalena way ku dhaawacmeen dagaalka oo socday tan iyo Arbacadii la soo dhaafay.

Sabtidii, Saalax wuxuu ku baaqay “in bog cusub la furo” oo uu taageerayo Mr Haadi, haddii isbeheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ay joojiyaan weerarka Yaman iyo xannibaadda xun ee ay ku hayaan.

Isbeheysiga iyo dowladda Cabdurabah Mansuur Haadi ayaa soo dhoweeyay hadalkaasi. Balse, Xuutiyiinta waxay Saalax ku eedeeyeen in uu “afgembinayo” isbeheysi “uusan weligii aaminin”.

In ka badan 8,670 qof ayaa lagu dilay, 49,960 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka bilowday ka dib markii isbeheysiga Sacuudiga uu farageliyay Yaman sannadkii 2015-kii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Dagaalka iyo go’doominta ayaa sababay 20.7 milyan oo qof in ay si adag ugu baahdaan gargaar bini-aadamnimo. Arrintaas ayaa lagu tilmaamay in ay tahay cunta la’aanta ugu xun Caalamka, waxaana ka dhashay daacuun dilay 2,211 qof, tan iyo bishii April.

Source:-BBCsomali

COMMENTS