BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Turkiga Oo Shaaciyey Safaarad Wadankiisu Magalada Qudus Uga Furayo Falastiiniyiinta
December 18, 2017 - Written by admin

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu doonayo in uu falastiiniyiinta uga furo bariga Quddus safaarad uu Turkigu leeyahay.

Khudbad uu jeediyey ayuu ku sheegay Mr Erdogan in horeba ay halkaas uga furnayd qunsuliyad uu wadankiisu ku leeyahay.

erdugan

Magaalada waxaa gacanta ku haysa Israa’iil oo ku tilmaanta caasimadeeda aan la kala qaybin karin, lamana hubo sida uu arrintan u hirgalin doono Mr Erdogan.

Hogaamiyaha Turkiga wuxuu hore u cambaareeyey talaabada uu madaxweynaha Maraykanka ku doonayo inuu safaaradiisa ugu raro Quddus, uuna ugu aqoonsanayo caasimadda Israa’iil.

Todobaadkii hore ayaa shir madaxeed ay isugu yimaadeen dalalka islaamka waxay ku baaqeen in beesha caalamku ay u aqoonsato bariga Quddus inay tahay caasimadda Falastiin.

Source:-BBCsomali

COMMENTS