BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Siilaanyo oo Kahor Xilwareejintiisa Ka Guuray Qasriga Madaxtooyadda Una Guuray Gurigiisa uu Ka Daganaa Hargeysa
December 2, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha talada dhawaan wereejinaya Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka guuray qasrigii madaxtooyada, waxaanu u guuray hoygiisii uu hore u degenaan jiray.
siilaanyo fun
Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay guuritaanka Madaxweynaha, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu madaxtooyada ka guuray  Salaasadii toddobaadkan, ka dib markii uu kulankii ugu dambeeyay toddobaadkan golihiisa wasiirada kula yeeshay madaxtooyada.

Lama oga in madaxweyne Siilaanyo subixii ka soo shaqo tago gurigiisa oo uu yimaado xafiiskiisa madaxtooyada maadaama oo aanu weli xilkii si rasmi ah u wareejin iyo inuu hawlaha ka wado gurigiisa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa wefti ka socday dalka Djibouti wuxuu khamiistii ku qaabilay gurigiisa uu hadda degenyahay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS