BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Muuse Biixi oo Xafiiskisa Kulan Kula Qaatay Madaxwaynihii Hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin
December 27, 2017 - Written by editor

Madaxweynaha cusub ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi  ayaa maanta qaabilay madaxweynihii sadexaad ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa kulanka uu la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi ku wehelinayey Xuseen Cali Ducaale iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo u ahaan jiray wasiiradii Arimaha Dibada iyo Maaliyada.

Kulankan ayey madaxtooiyada somaliland ku sheegtay inuu ahaa mid booqasho iyo salaan oo dhex martay madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweynihii sadexaad ee somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin

Dhinaca kale wararka laga helayo kulankaasi ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu doorbiday inuu talooyin waydiisto maadaama


oo dhawaan uu la wareegay xilka madaxweyne ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday bishii November ee sanadkan.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS