BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Erdogan oo Ku Goodiyay Inuu Xidhiidhka U Jari Doono Israel Hadii Maraykanku Caasimadda Israel U Aqoonsado Qudus.
December 5, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka digay in dalkiisu uu xiriirka u jari doono Israa’iil haddii Mareykanku uu u aqoonsado Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in tallaabdaasi ay Muslimiinta dunida uga dhigan tahay in Mareykanku uu khadka cas ka tallaabay.

erdu

64, 64); font-variant-numeric: inherit; font-stretch: inherit; font-family: Helmet, Freesans, Helvetica, Arial, sans-serif; font-size: 1rem; line- 1.375; margin: 18px 0px 0px; padding: 0px; vertical-align: baseline; text-align: justify;”> Dalal badan ayaa ka dalbaday Donald Trump inuusan qaadin tallaabadaasi.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono isbuucan, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada.

“Mr Trump! waxaad ogaataa in Qudus khad casa ay uga dhigan tahay Muslimiinta,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishinka.

“Waxay arrintaa horseedi kartaa inaaan calaaqaadka diblomaasiyadeed u jarno Israa’iil”, ayuu sii raaciyay Erdogan.

Haddii Washington ay u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee sidaa sameeyo tan iyo markii la alkumay xukumadda Israa’iil 1984.

Israa’iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.

Israa’iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.

Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.

Xukuumadihiii kala dambeeyay ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 taagnaayeen in mustaqbalka Qudus lagu go’aamiyo wadahadal aysanna samaynin wax saamayn ku yeelan kara waxa ka soo bixi doona wadahadalladaas.

Jordan oo Maraykanka ugu baaqday in uusan Qudus u aqoonsanin caasimadda Israa’iil
Dunidu maxay ka tiri arrintan?

Faranisiiska: Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay Donald Trump inuu “ka walaacsan yahay“ in hoggaamiyaha Mareykanka uu iskii ugu aqoonsado Qudus inay tahy caasimadda Israa’iil, isagoo sheegay in taasi ay ku imaan karto oo kali ah wadahadal dhexmara dhinacyada Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Midowga Yurub ayaa ka digay ‘cawaaqib daran iyo caro ka timaado ra’yul caamka qeyba badan oo ka mid ah dunida.

Jaamacadda Carabta ayaa ku tilmaantay tillaabo khatar ah oo caawaaqib darran reebo karto.

Sacuudiga ayaa sheegay in tallabaadasi ay sameeyn ku yeelan karto tubta nabadda.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa hogaamiyayaasha dunida ka dalbaday inay arrintan soo farageliyaan isagoo sheegay inay tallabdaasi ay “ burburin karto hanaanka nabadda“

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

Xigasho BBC Somali

COMMENTS