BALIGUBADLE MEDIA
Lix Iyo Sagaashan Xildhibaan Oo Saxeexay Mooshin Ka Dhan Ah Madaxwaynaha Somaliya Farmajo.
December 21, 2017 - Written by admin

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa wuxuu sheegay Xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka inay saxiixeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somaliya.
miishin
Wareysi uu siiyay Wakaalada Wararka Reuters Xildhibaan Mahad Salaad aya wuxuu ku tilmaamay mooshinka inuu sii xoogaystay, kadib markii la xiray Siyaasi C/raxman C/Shakuur oo Xildhibaano badan ay ka caroodeen.

Mahad Salaad ayaa wuxuu tilmaamay 96 Xildhibaan inay saxiixeen Mooshinkaasi, walina ay jiraan Xildhibaano kale oo doonaya ku biirista Mooshinka.

Gudoonka Baarlamanka Somaliya ayuu sheegay inay u qoreen warqad ay ku dalbanayaan in dib loo furo kalfadhiyada Baarlamaanka Somaliya si isla xisaabtanka madaxda dowladda ay u dhacdo.

Khamiistii hore ayey aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya uu shaaciyay inuu dib uga laabtay Mooshinkii uu saxiixay, kadib, markii uu eegay danta Qaranka Somaliya.

Sources: universaltvsomali

COMMENTS