BALIGUBADLE MEDIA
Jen. Gorod: ‘Lacagta uu Maraykanku naga joojiyey saamayn naguma yeelanayso’
December 16, 2017 - Written by admin

Taliyaha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxba kala socon eedeyn musuqmaasuq la xiriirta, taasoo keentay in xukuumadda Maraykanku ay ku dhawaaqdo inay joojisay lacagihii ay ku taageeri jirtay milateriga Soomaaliya.
general gorod
Taa beddekeeda wuxuu sheegay Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod in dhaqaale ahaan ay iyagu isku tashan doonaan, wax saamayn ahyna aysan ku yeelan doonin.

Jananka ayaa waraysi uu BBC siiyey wuxuu sidoo kale kaga warramay waddooyin ay isaga iyo mas’uuliyiin kale dib uga fureen magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo ku xirmay dagaallo hore halkaa uga dhacay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS