BALIGUBADLE MEDIA
Jabuuti Somaliland waxay galisay qool ay muddo badan la gaadaysay.
December 1, 2017 - Written by admin

Haddaan taariikhada dib u yar milicsano waxaan xasuusanaynaa in xidhiidhka somaliland iyo Jabuuti ka dhexeeyay uu ahaa mid kacsan oo ismaandhaaf mararka qaar huursanaa mararka qaarna furka tuuraayay ku suntanaa ilaa bilowgii ku dhawaaqida madaxbaanida Somaliland.

Dib u dhugo waxii dhexmaray madaxweyne cigaal iyo jabuuti iyo sida xaalku ahaa.

Waqtigii madaxweyne Riyaalena xaalka xidhiidh jabuuti iyo Somaliland wax badan iskamay bedelin.

Haddaba waxa iswaydiin leh maxay isku diidanaayeen jabuuti iyo Somaliland?!

Jabuuti iyo somaliland waxay isku diidanaayeey labo qodob:

Madaxbanaanida Somaliland oo ay jabuuti si cad uga soo horjeeday.
Xidhiidhka sii koraayay ee Somaliland caalamka la yeelanaysay oo aanay jabuuti raali ka ahayn welwel badana ay ka qabtay.

Halkaa markaan marayno aan iswaydiino labadaas qodob ma waxbaa iska badelay?!

Jawaabta oo fudud waa maya.

Hadaa maxaa dhacay?

Waxa dhacay markii 2010 xisbiga Kulimye ku guulaystay talada Somaliland waxa guud ahaanba bedelay siyaasadii adkayd ee ahayd inaan gorgortan iyo wadahadal midna laga galin qadiyada Somaliland waxa uuna bilaabay siyaasad debacsan oo dilaalnimo ku jirto, waxaana meesha laga saaray qodabadii distooriga ahaa ee diidaayay in arrintaa wadahadal laga galo waxaana bilaabmay wadahadaladii Somaliland iyo somaliya waxaana dilaalka koobaad ka ahayd jabuuti oo caan ku ah ololaha ay ugu jirto midayta somaliya.

Waxaana hoos-udhac ku yimi xidhiidhkii Somaliland la lahayd caalamka oo meeshii ugu liidatay gaadhay intuu madaxweyne siilaanyo xilka hayay.

Haddaba jabuuti iyadoo ka faa’iidaysanaysa hoos-udhacaas iyo habasnaantaas ku timi labadii qodob ee aasaaska u ahaa khilaafka iyo ismaandhaafka Somaliland iyo jabuuti waxay hagaajisay xidhiidhka ay la leedahay somaliland debecsanaan badana waxay u muujisay Somaliland si ay gacanta ugu dhigto uguna hagto halka ay doonto.

Waxaana si cad u muuqatay saamaynta ay jabuuti ku leedahay somaliland islamarkaana waxa kor-ukacay ilaaliyaasha danaha jabuuti ee gudaha somaliland.

Hadda aan isweydiino maxuu yahay qorshaha jabuuti ee Somaliland waqti xaadirkan?

Qorshaha jabuuti ee waqtigan waa mid ay muddo badan kasoo shaqaynaysay waqti badan iyo maal badana ay galisay sidaan kor soo taabanay.

Ujeedada jabuuti waxay tahay:

In somaliland  aanay xidhiidh toos ah  la yeelan caalamka, taa bedelkeedana waxkasta oo ay Somaliland u baahato ay siimarto jabuuti.

Waana sababta ay jabuuti u taageersnayd muuse biixi oo ay jabuuti u aragto inuu yahay nin aan xidhiidh fiican la samaysan karin caalamka oo u ku qasbanaan doono inuu iyaga soo maro.

Jabuuti waxay doonaysaa in la mataaneeyo madaxtooyada Somaliland iyo ta jabuuti oo macneheedu yahay inta talada Somaliland si dadban u hoostagto Jabuuti si ay Somaliland u hagto hadba meesha ay rabto oo ay kow ka tahay somaliwaynimo oo ah shaqada ugu muhiimsan ee jabuuti ku howlantahay.

Jabuuti waxay waqti dheer ku taamaysay inay talada somaliland saamayn ku yeelato si aanay uga dheerayn ama aanay u garab Cararin.

Xaqiiqadiina guul bay ka joogtaa arrintaa maanta.

Su’aasha ugu danbaysa ee aan iswaydiinaynaa waxay tahay;

Madaxweynaha la doortay Md Muuse Biixi waa nin caan ku ah adkaynta madaxbanaanida Somaliland kana xanaaqa midnimada Somaliland iyo somaliya ee ay jabuuti shaqada ka dhigatay,

Sidee bay ku heshiinkaraan Ama ay ku heshiiyeen mashruuca jabuuti iyo muuse?

Inagoo maanka u hayna inay jabuuti ahayd garabkii iyo gaashaankii guusha muuse??!

Waxaan sugnaaba waa waqtiga soo socda iyo warka uu ina siiyo.

Maxamed xuseen (Samodoon).

[email protected]

COMMENTS