BALIGUBADLE MEDIA
Hogaamintii Naebi Muxamed SCW Iyo Macallin-Nimadiisii
December 5, 2017 - Written by admin

Waxaynu soo qaadanaynaa qodobo ka mid ah wixii uu ku sugnaa Nebi muxamed SCWoo ah hogaamin ku dayasho leh, iyo macallinnimo aan lala mid ahayn.

hogaaminta rasuulka scw

Waa toban qodob oo qof kastoo mas`uul ahi uu u baahan yahay lab iyo dhedig si aynu uga dheegano siirada suubanaha SCWhogaamin tol-moon iyo bar-baarin toosan.

HOGAAMIN TOLMOON

Rasuulku SCWwuxuu ahaa hogaamiye dhab ah oo ku guulaystay hogaamintii umadiisa, waxana ka mid ah tilmaamihii hogaamintiisa in uu ahaa hogaamiye leh :

Naxariis.

Caddaalad.

Ku dayasho.

Jihayn.

Maarayn.

Waxay ina baraysaa siiradiisa udgooni in ay hogaamintu tahay : (naxariis iyo awood, jihayn iyo hawl-wadaag).

BAR-BAARIN AAN LALA MID AHAYN

Rasuulku SCWwaxa

uu ahaa bare iyo bar-baariye gaadhay meesha ugu sarreysa ee macalin gaadho, waxaana ka mid ahaa til-maamaha macallin-nimadiisa inuu ahaa bare leh :

Kal-gacayl.

Faa`iidayn.

Qan-cin.

Saamaxaad.

Soo dhawayn.

Waxay ina baraysaa siiradiisa saafiga ahi in baridda iyo bar-baarintu ay  tahay : (faa`idayn iyo samayn, beerid iyo korin).

COMMENTS