BALIGUBADLE MEDIA
Heshiiskii Saldhiga Berbera waxaa Baarlamaanka lagu jiidhsiiyey Awood dhaqaale iyo Mid dawladeed. qalinkii A/rahman fidhinle
December 31, 2017 - Written by admin

Fadhigii labada gole ku ansixiyeen Nuxurka Heshiika Saldhiga Berbera 12/2/2017 Wuxuu ahaa Sharci daro baal-marsan Dastuurka qaranka Qodobkiisa 38-aad farqadiisa 6-aad. Wuxuu ahaa heshiis muhmal ah oo fawdo ah, wuxuu ahaa heshiis qarsoodi ah oo ku saleysan ku daneysi gaar ah. Wuxuu ahaa heshiis golaha lagu marsiiyey awood dawladeed iyo mid dhaqaale. Heshiiskani wuxuu ahaa khiyaamo qaran waxaana u markhaati ah muu aheyn heshiis rasmi ah oo dhameystiran oo ay wada saxeexdeen labada dawaladood ee Somaliland iyo Imaaraatka Carabtu sidaa daraadeed waa in Xukuumada cusubi ka  noqtaa.

1-  Bixinta iyo go’aamada Saldhiga Berbera waxay ku Saleysnaayeen sife ka aradan sunaha dawaldnimo kaas oo ahaa jujuub, garbo duub ah oo loo diiday in xildhibaanadu oo xasaanadooda huwani in ay dersaan , naaqishaan oo wax iska weydiiyaan nuxurka rasmiga ah ee heshiisku salka ku hayo laakiin loo diiday.

Heshiiskan looma marin haba yaraatee sife sharci ah sidaa daraadeed fulinta Heshiiskan iyo khasaaraha ka yimaadaba waxaa uqoolan intii ansixisay iyo intii daaha dabadiisa ku saxeexday.

2-Xukuumadu waxay ka baxday Xayndaabkii sharciga ahaa waxaana ay ilaa iyo hada ummadda ku qancin wayday in ay keento Heshiis dhameystiran oo macquul ah oo faa’ido buuran xanbaarsan oo ay ummadda ku qanciso, Waxaana ay carabka ummadda ugu cel celisay kuna canqarisaa Mashaariicdii shirkada  DPWorld ay hore ugu dhawaaqaday in ay dalka ku horumarinayso.

3- Saldhiga Berbera waxaa cadaan ah in ay Dawlada UAE u isticmaali doonto Dagaal gelin, Dulimaadyo Dagaal, Basaasnimo, Tijaabo hub cusub, iyo keydin hub khatar ah oo bay’ada iyo degaanka  ku reebi kara hawo xumo iyo falgalo kimiko ah oo dadka iyo duunyadaba wax yeeleeya.

4- Hadii Saldhiga Berbera lagaga Duulo Cadan iyo Yaman waxay si xun usaameynasaa isu socodka marin biyoodka Gacanka cadmeed taasoo isu socodka maraakiibta xamuulka ee Berbera imanayaa ay hakad geli doonaan  Ganacsiga iyo Dhaqaalaha dalkana saameyn taban ku yeelan doonta.

5- Dhamaan maangelintii iyo Horumarintii Dekedaha dalka oo dhami waxay mudo dheer oo 30 – 40 sanadood ah u xidhnaanayaan Heshiiska Saldhiga Berbera iyo heshiiskii shirkada DPWorld Dekeda Berbera kula wareegtay  bishii 3-aad ee sanadkan.labadan mashruuc oo ah lamaane isku lamaan oo ay Imaaraaka Carabtu rabaan in ay dalkeena kula wareegeen kuna dhaxal wareejiyaan muddadaa dheer 30 ka sanadood ka badan.

6- Ku lahaa Saldhiga Berbera wuxuu aduun inagu soo kordhinayaa lacag yar oo $1.2 Million dollar ah, halka Saldhiga yar ee  dawlada Djabouti ay USA  kaga kireysatay lacag dhan $63 million dollar sanadkiiba  iyo weliba $70 million oo dollar oo mashaariicda arimaha  bulshada lagu horumarinaayo  sanadkiiba.

7- Tusaale ahaan Saldhig yar oo 2 mile oo isku wareega ah oo Dawlada China ka dhisanayso dalka Djabouti waxaa lagu heshiiyey in dalka China dalka Jabouti ka dhisto 7 Dekedadood oo caalami ah lacag kiro ah  oo gaadhaysa $12 million oo dollar ahna ay sanad walba bixiso dawlada China oo ay siiso Dawalda Djabouti.

Halka aynu inagu Saldhigeena oo dhaca goob istiraatiji ah aynu xaqul qalinka yar siisanay.

8- Dawlada  Somaliland ee doog-dhabashada iyo doogsin cararka ku can baxday Waxba kameysan baran Heshiisyada 7-da Saldhig ee Dawlada Jabouti dalalka aduunka la gashay Saldhigyadaas oo ku fadhiya dhul kooban oo 30 mile ah. Waxaana arin lala yaabo ah in   Airpotka Berbera oo dhameystiran oo ah ka Africa ugu dheer uguna istiraatijiyad fiican iyo Saldhig labaad oo baddeed oo ku fadhiya baaxad dhul iyo mid bad oo gaadhaya ilaa 70 -150 mile in Sife qeyrul-sharci ah oo raqiis ah lagu bixiyo  laguna  wareejiyo mudo aad u dheer oo gaadhaysa 25- 30 sanadood.

9- Maadaama aynaan aheyn dal la ictiraafay Ciidamada UAE ee  huwanta ahi waxay xaalufin doonaan oo dhici doonaan kheyraadkeena bad iyo beriba gaar ahaan kaluunka iyo macdantaba. Waxaana ay Ciidamadaasi qaadan karaan  hadii aanay dagaal ku foogneyn Qandaraasyo ay badeena iyo berigeenaba  ku aasaan Qashinka Nuclear ah. maadaama aynaan laheyn awood tooda ka badan oo aynu iskaga xakameyno.

10- Maadaama ciidamada imaaraatku ay 70 % yihiin calooshooda u shaqeystayaal darban oo dalabka uun ku shaqeeya waxay ku kici karaan dhaqano xun xun oo lidi ku ah Diinteena iyo dhaqankeena suuban. Marka la eego shuruucda Caalamiga ah ee Saldhigyada Ciidamada aduunka xad-gudub kasta oo Saldhiga dhexdiisa ka dhaca shuruucda Somaliland ma qabanayaan oo waxay doonaan ay saldhiga dhexdiisa ku sameynkaraan oo xataa dumarkeena ayey ku faro xumeyn karaan.

Madaama aan Sife sharci ah loo marin ansixintii nuxurka heshiiskan oo aan dhameystirneyn isla markaana, hada xukuumada cusubi ka dhawaajisay in mad-madow badani ku jiro, Heshiikan Saldhiga Berbera Fulintiisu waa qayrul sharci.  Waxaana  dawlada cusub ee Somaliland looga fadhiyaa in ay Hakiso Ansixinta Heshiiskan  mugdiga iyo mad-madowga badani ku gedaaman yahay.

Alleh ayaa Mahada Leh,

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

COMMENTS