BALIGUBADLE MEDIA
GudoomiyahaGolaha Guurtida oo Xildhibaanada Ugu Baaqay Dhaqaajinta Xeerarkii Doorashada ee Baarlamaanka Iyo Goleyaasha Deegaanka
December 30, 2017 - Written by admin

Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland ayaa xildhibaanada golahaasi ku dhiiri geliyey inay ka soo fikiraan habkii loo curin lahaa xeerarka lagu dooranayo xildhibaanada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.
saleebaan
Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta hadal ka jeediyey xidhitaanka kalfadhigii golahaasi ayaa ugu horayn xildhibaanada u soo jeediyey inay iska cafiyaan xanaftii doorashada madaxtooyada waxaanu yidhi “Kalfadhigani waxa uu ahaa kii ku soo hagaagay doorashadii, mudo gaaban oo hawl culus la qabtay ayaanu ahaa, waanu ku mahadsan yahay goluhu, hadyo jeer marka doorasho la galo haaraheeda ayey leedahay hadaanay wax kale lahayna gidigeen waynu  is xag xaganaa ee aynu is wada

saamaxno, mar hadaynu aqbalnay gidigeen natiijadii doorashada waa inaynu iska saamaxnaa wixii ina kala gaadhay, isa saamaxaas ayaana ta dambe ina gaadhsiinaysa.”

Gudoomiye Saleebaan oo hadalkiisa sii wata ayaa xildhibaanada ku dhiiri geliyey inay ka soo fikiraan xeerarkii doorashooyinka Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka waxaanu yidhi “Doorashadii golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaankuba ma foga ee waxba ha biciidsanina ee way ina haysaa, doorashadeena iyo taasna midna xeer uma yaalo, inaguna waynu iska soo noq noqonaynay, iyagana xeerkoodu ku meel gaadh ayuu ahaa, barigii dhawaydna waatii waxooga is khilaaf ahi ka dhacay ee waxa uu u baahan yahay ku dhiirasho ee bal ka soo fikira fasaxaas.”

Gudoomiye Saleebaan ayaa intaas raaciyey “Ugu yaraan waa inaynu xeerarkii ku dhiirano oo wax qaybino oo wax go’aansano oo aan la odhan waa ku meel gaadh.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS