BALIGUBADLE MEDIA
Falanqaynta xukuumada cusub. (Buurtii foolatay ee doolliga dhashay).
December 16, 2017 - Written by admin

Falanqaynta xukuumada cusub.
(Buurtii foolatay ee doolliga dhashay).
Xukuumada madaxweyne muuse soo dhisay ee uu dhawaan ku dhawaaqay ayaa dareeno kala duwan laga bixiyay, waxaana guud ahaan la isku waaafaqsanyahay inay tahay xukuumad ka meeqaam hoosaysa(low profile) tii laga filaaayay madaxweyne muuse oo ku celcelin jiray inuu soo dhisaayo xukuumad tiro yar oo tayo leh.
Balanqaadkaas waxa uu noqday balantii koobaad ee uu ka baydho ama uu baalmaro madaxwenaha cusub.
Xukuumadan maaha mid tayo ka muuqato mana tiro yara.
Hadaba falanqayntan kooban waxaan ku eegaynaa dhawr qodob.
Qaabdhismeedka xukuumada(Structure).
Nooca Dadka la magacaabay.
Ujeedooyinka ka danbeeya in xukuumad noocan ah la dhiso.
Xukuumadan ma tahay mid wax ka qabankarta dhibaatooyinka horyaala.
Aan ka bilaabno:
Qaab-dhismeedka xukuumada.
Halbeega iyo cabirka xukuumadani ku dhisantahay maaha mid cad, dhammaan xukuumadahii dalka soo maray waxa lagu qaybin jiray hababkan midkood:
Qaab beeleed
Qaab gobaleed.
Qaab isku-dhaf ah gobolada iyo beelaha.
Xukuumadan qaab beeleed iyo mid goboleed midna kuma fadhido.
Formulada xukuumadani ku dhisantay wali lama fahmin.
Noocada dadka la magacaabay.
Xukuumadan marka la eego xubnaha ay ka koobantahay waxay isugujirtaa labo kooxood:
Xubno saaxada siyaasada ku cusub.
Xubno duug ah oo hore masraxa uga muuqday.
Qoloda koobaad waa dad cusub oo dhalinyaro u badan iyaga waan soo dhawaynayaa xaqna waxay u leeyihiin in la tijaabiyo, laakiin hal qodob inuu ka maqanyahay waa la hubaa waa khibrad iyo waayo-aragnimo.
Kooxda labaad: waxay igujiraan qaar xukuumadii hore kasoo hadhay iyo qaarkale oo aan ku cusbay waji ahaan siysaada, intooda badana maaha dad karti, aqoon, iyo khibrad leh.
Su’aasha la iswaydiinayaa waxay tahay, waa maxay criteria ama astaamaha lagu xushay xubnaha xukuumada?
Inaga oo maanka ku hayna in ay meesha ka maqanyihiin magacyo badan oo aqoon iyo khibrad lagu tuhmaayay.
Waxa iyana su’aal kale ah; maxaa qofka loogu dooray wasaarada loo dhiibay?!
Waxa xukuumadan ka muuqda dad badan oo loo dhiibay wasaarado aanay ku haboonayn mark la eego aqoontooda, khibradooda iyo waayo-aragnimadooda.
Waxaad arkaysaa wasaarad injineer u baahan oo loo dhiibay Askari iyo wasaarad sarkaal ciidan u baahan oo loo dhiibay injineer ama dhakhtar.
Maxaa sabab u ah in xukuumadu sawirkan yeelato?
Waxyaabo badan ayaa loo aanaynayaa in xukuumada ay Sidan u eegaato.
Xukuumadan waxay ka turjumaysaa dabeecada iyo fikirka madaxweynaha soo dhisay, waxaana ka muuqata inaan cidna talo laga waydiin.
Madaxwaynuhu waxa uu ka fogaaday inuu magacaabo qof ka aqoon badan ama ka waayo-aragsan, taas baana keentay in xukuumadu u badato dad aan aqoon buuran lahayn iyo dhalinyaro marka laga tago dhawr qof.
Dadka liiska ku jiraa waa dad la filaayo inay nacamlayaal fiican noqdaan.
Xukuumada waxa ka muuqda sifooyin digteetarnimo iyo inay wasiirada noqdaan maqaarsaar aan wax go’aan ah lahayn.
Xukuumadan waxa ka muuqata inay ku dhisantahay ABAALCELIN beeleed iyo mid shaqsiyo gaar ah oo laga hormariyay danta guud.
Waxa kale xukuumadan si fiican uga dhadhamaysa in meesha hormo-hormo loo galaayo oo marka hormadani fusho muddo kooban kadib hormo kale ooda laga soo qaadayo.
Waxa xukuumadan ka bidhaamaysa in deegaanada iyo beelaha qaar indhaha wali laga lalinaayo oo aanay muqarabiinta ku jirin.
Xukuumadan ma tahay mid wax ka qaban karta dhibaatooyinka horyaala?
Marka la eego khibrada, aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha xukuumdani ka koobantahay iyo miisaanka waxyaabaha horyaala waxa soo baxaysa in rajada laga qabo inay waxkaqabtaan dhibaatooyinka jira ay tahay mid aad u kooban.
Sida xukuumadani u hoosmartay heerkii la filaayay marka la eego xaga dhismaheeda iyo dadka ka dhexmuuqdaba waxa iyana la filayaa inay Hoos-ugadhacdo waxii laga filaayay iyo maaraynta mashaakilka yaala.
Maxamed Xuseen(Samodoon).

COMMENTS