BALIGUBADLE MEDIA
Dayax Gamceed Sawiray Markab Si Qaraoodiya Shidaal Ugu Geeyay Dalka Cunqabataynta Lagu Soo Rogay ee Kuuriyadda Waqooyi
December 29, 2017 - Written by admin

Kuuriyada Koonfureed ayaa shaacisay in bishii la soo dhaafay ay qabatay marka ka diiwaan gashan Hong Kong, kaas oo looga shakiyay in uu shidaal u geeyay Kuuriyada Waqooyi oo cunna qabateyn ay saaran tahay.
markab4
Saraakiisha waxay sheegayaan in markabka loo yaqaano Lighthouse Winmore uu si qarsoodi ah ugu wareejiyay 600 oo tan oo shidaal ah, markab kale oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi.

Qaraarka Qaramada Midoobey wuxuu mamnuucayaa in maraakiib ay isku wareejiyaan alaab u socota maamulka Pyongyang.

Fashilkan ayaa imaanayo iyadoo Shiinaha uu beeniyay eedaha kaga imaanaya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in Beijing ay ogolaatay in shidaal loo geeyo Kuuriyada Waqooyi.
Sidee shidaalka loogu geeyay Pyongyang?

Markabka Shiinaha ayaa galay dekadda Yeosu ee Kuuriyada Koonfureed, 11-kii Oktobar, wuxuuna ka qaaday Shidaal cayriin ah, afar maalmood ka dib wuxuuna u dhaqaaqay dhanka Taiwan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Laakiin, markabka ayaa 19-kii Oktobar, shidaalka ku wareejiyay markab ay leedahay Kuuriyada Waqooyi iyo doomo yaryar oo ku sugnaa biyaha caalamiga ah, sida ay sheegeen saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.

Trump: “Waan burburin doonaa Kuuriyada Waqooyi”
Kuuriyada Waqooyi: Trump “eey ciyay kama duwana”
Donald Trump oo u hanjabay Kuuriyada Waqooyi

Wargeyska New York Times ayaa qoray in kala wareejinta lagu ogaaday sawirro uu qaaday dayax-gacmeed Mareykanka uu leeyahay. Waxaa sawirradaasi baahiyay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, bishii Nofembar, inkastoo aan la magacaabin markabka xamuulka qaado ee Lighthouse Winmore.

Waxaa markabka la qabtay markii uu ku noqday Yeosu, bishii Nofembar, wuxuuna weli ku sugan yahay Kuuriyada Waqooyi, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.
Shiinaha maku lug leeyahay?

Lama cadeyn karo, laakiin Markabka wuxuu ka diiwaan gashan yahay Hong Kong, wuxuuna u shaqeeyaa shirkad Taiwan laga leeyahay.

Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in eedeynta ka dhanka ah “aysan xaqiiqada ku saleysnayn”.

“Shiinaha marna uma ogolaanayo in ganacsigiisa guud iyo midka shaqsiyadeed ay ku xadgudbaan cunna qabateynta uu Golaha Amniga ku soo rogay Kuuriyada Waqooyi,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Hua Chunying.

Shiinaha wuxuu maamulaa qiyaastii boqolkiiba 90 ganacsiga caalamiga ah ee Kuuriyada Waqooyi.
Waxaa jiro shaki sii kordhaya oo Washington ay ka qabto maraakiibta Shiinaha in si sir ah ay shidaal ugu wareejinayaan doomaha Kuuriyada Waqooyi.

Wuxuu wargeyska New York Times u sheegay in “uu isu jilciyay” Shiinaha marka ay timaado dhanka ganacsiga, sababtoo ah “waxaan doonayay in ay naga caawiso arrinta Kuuriyada Waqooyi”.

Trump ayaa hadda ku cagajugleynaya in uu soo afjari doono xiriirkaasi.

Wuxuu yiri: “Shidaal ayaa ku socdo Kuuriyada Waqooyi. Sidaas ma ahayn heshiiska. Haddii aysan naga caawin Kuuriyada Waqooyi, marka waxaan sameynnayaa wixii aan sheegayay markasta in aan sameyn doono.”

Source: bbc somali

COMMENTS