BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Somaliya oo Meel Adag Iska Taagtay Mawqifkii Dawladda Maraykanku Ku Caasimadda Israel Ugu Aqoonsatay Qudus.
December 8, 2017 - Written by admin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay
ka walaacsan tahay go’aanka halista ah ee uu qaatay Trump” kaas oo Qudus uu ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil.
somaliya
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay” xaaladda, ayaa lagu yidhi qoraaal lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA oo la sheegay in dowladda ay soo saartay.

“Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka”, ayaa ku qoran warkan ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in “Soomaaliya ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helidda qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka”.

Waxaa maanta la filayaa in salaadda Jimcaha ka dib ay dibad baxyo ka dhacaan qaar ka mid ah dalalka Islaamka sida Soomaaliya. Waxay dadka doonayaan in ay muujiyaan sida ay uga careysan yihiin go’aanka Trump ee Qudus.

Dowlad iyo shacab Soomaaliya “waxay diyaar u yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin, sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warka ay soo saartay dowladda Soomaaliya ee lagu daabacay SONNA.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS