BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Somaliya oo Iska Fogaysay Eedaymihii Uu U Jeediyay Xildhibaan Cabdiqaydiid
December 31, 2017 - Written by admin

Dawlada federaalka ah ee soomaliya ayaa ganafka ku dhufatay inay dalka hawl galo ka fuliyaan ciidamo ka socda imaaraadka carabta.

Wasiirka warfaafinta dawlada federaalka Cabdiraxmaan Yariisow oo la hadlay VOA ayaa sheegay inaanay jirin ciidamo ka amar qaata dawlad kale oo ka hawl gala soomaaliya.

 

yariisaw

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa yimid ka dib markii Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka uu warbaahinta u sheegay in gurigiisa ay hawl galo ka fuliyeen ciidamo ka socda dawlada imaaraadka carabta.

Wasiirka warfaafinta oo ka jawaabaya dhawaaqa xildhibaanka ayaa waxa uu yidhi “ Runtii waxaan cadaynayaa inaanay jirin ciidamo ay leedahay

dawlad kale oo dalka ka hawl gala, waxbana kama odhanayo hadalka xildhibaanka aqalka sare balse dawladu baadhitaan ayey ku haysaa wixii dhacay si loo soo qabto cidii ku xad gudubtay sharciga dalka.”

Dhinaca kale madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa amray in sharciga la horkeeno ciidankii ka dambeeyey hawl galkii lagu fuliyey guriga xildhibaan Cabdi Qaybdiid.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS