BALIGUBADLE MEDIA
Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya oo Wafti Meeqaam Hoose ah u Soo Diray xaflada Xil wareejinta Jeegaanta.
December 13, 2017 - Written by admin

Dawlada ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa wafti heer wasiir ah u soo diray xaflada xil wareejinta madaxweynaha jeegaanta Somaliland Col. Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay in uu ku guulaystay doorashadii 13kii bishii hore ka qabsoontay Somaliland taasi oo muran badani uu ka dhashay kadib markii ay soo baxday wax isdaba marin iyo musuq maasuq hadheeyay doorashadii lagu han waynaa in ay si cadaalad ah u dhacdo.

ethiu
Wasiirka caafimaadka ee dawlad deegaanka Somaliland ee Itoobiya ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxna waftigaasi si heersare ah ugu soo dhaweeyay galbeedka gobolka Maroodi jeex wasiiro ka tirsan xukumadda hada sii degaysa kuwaasi oo ay hogaaminayeen wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka cadaalada iyo xubno kale.
Ma cada waxa uu madaxweyanaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya uga soo qayb gali waayay xaflada lagu caleemasaaraayo ee xilka loogu wareejinaayo Col. Muuse Biixi Cabdi, iyada oo xiligii xukumadii Daahir Rayaale ay xilka wareejinaysay uu Maxamuud Cabdi Ilay ka soo qayb galay xafladii xil wareejinta ee loo sameeyay madaxweynaha hada sii degaaya ee Axmed Siilaanyo.
Dhanka kale waxa ilaa shalay dalka soo gaadhaayay hay’ado iyo dalalka Somaliland ka taageeraayay doorashada oo ka qayb gali doona caleema saarka bari loo samayn doono madaxweynaha jeegaanta

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS