BALIGUBADLE MEDIA
Afar qolo dadka iyo dalka ha laga qabto!
December 5, 2017 - Written by admin

Dalkeena intii ugu doorka Rooneyd ayaa dooxato noqotay oo midada daabka haysata.

Dalka iyo dadku waxay u baahanyihiin in afar qolo laga qabto, qolo shanaad iyaga horaaba looga quustaye:

1. Odayaal koofiyad baclayaan ah.

2. Ganacsato dhiigmiirato ah.

3. Wadaad xumayaal.

4. Qurbo-joog qawlaysato ah.

Qolada shanaad ee iyaga hore looga quustay waa siyaasiyiinta saaqidiinta ah.

Isbahaysi iyo xulafo ka dhaxaysa shantaa kooxood ayaa sabab u ah dhammaan xaaladaha qalafsan ee dalka ka jira sida; dhaqaalexumada, sicirbararka, caafimaadxumada, maamulxumada, musuqa iyo Dayaca bulshada haysta.

Haddii bulsho acyaanteeda iyo madaxyo waynteedu xumaadaan oo ay xaqa baalmaraan waxa hubaal ah in bulshadaas ay jidka baaba’a iyo halaaga cagta saartay.

Maanta hadaad u fiirsato xaalada nololeed ee bulshadeena waxa kuu soo baxaysa in bulshadu labo dabaqadood noqotay:

Dabaqad jidka barwaaqada iyo badhaadhaha fooda saartay waxa ugu badan ay ku macaasheena yahay inay dhuunta u fadhiistaan intakele.
Dabaqad jahada laga lumiyay oo jidka baahida qaaday oo beerka dhulka ku haysa.

Waxa iyana meesha ka maqan dhammaanba nidaamadii isuxejin lahaa ama isu-celin lahaa bulshada Sida Zakada iyo nidaamada kale ee dunida laga isticmaalo ee lagu kabo bulshada jilicsan iyo danyarta. Cashuurta bulshada laga qaadaa waxay noqotay mid cid gaarahi ku xoolaysato.

Waxaana muuqata in nidaam hantigoosi ahi uu si fiican isii hirgalaayo dadkiina ay u qaybsameen Dulin iyo lagu-dulnoole.

Guntii iyo gabogabadii waxaan bulshada inta damiirka iyo damqashada leh ugu baaqayaa oo ku wacdiyaa inaan dulmiga iyo xumaanta la dugsan madaxana kor loo qaado si bulshadu dulmiga iyo dulliga uga baxdo.

FG: odayga wanaagsan, wadaadka hagaagsan, ganacsatada naxariista leh, qurbajooga qiimaha leh, iyo siyaasiga damiirkiisu moolyahay, intuba sharaf, qadarin iyo ixtraam bay inaga mudan yihiin.

Maxamed Xuseen (Samodoon).
Mohamed Hussein samodoon

[email protected]

COMMENTS