BALIGUBADLE MEDIA
Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Sida Xisbigiisu U Aqbalayo Natiijada Doorashada Iyo Dareenka Uu Ka Qabo Kulmiye
November 14, 2017 - Written by editor

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye NacNac oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa shaaciyey in xisbigoodu aqbalayo natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada.

nacnac xildhibaan

Xildhibaan Nacnac oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax kasta ay nabad galyadu qaranku ka weyn tahay, waxaanu yidhi “Boqolkiiba boqol waanu ku qanacsanaanaynaa natiijada doorashada waayo wax walba wadanka ayaa ka weyn oo nabad galyada ayaa ka weyn haddii nalaga helo inkasta oo aan filayo inaan nalaga helayn oo aanu ilaa hada anagu wadano waxba ka hor dhici maayee laakiin sadexda xisbiba kii helo mabruuk dhaha.”

Xildhibaan Nacnac oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Insha allah marka lagu dhawaaqo si wanaagsan ayeynu isku hambalyeyn doonaa, somaliland-na maanta guul ayey gaadhay murashaxii helaaba waa inankeenii waxaanan leenahay guul ayeynu gaadhay, doorashaduna si fiican ayey u dhacday wax mushkilad ah iyo carqalad lagala kulmay ma jirto, waxaanan leeyahay marka lagu dhawaaqo nin walawba lambarkaaga xejiso.”

Ugu dambayn xildhibaan Nacnac ayaa warwar ka muujiyey sida uu kulmiye u aqbali doono natiijada doorashada “Kuwa kulmiye ayaanu ka baqanaynaa laakiin anagu waanu ogol nahay aniga ayaa ka markhaati ah inaan buuq dhicin haddii nalaga helo.”ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS