BALIGUBADLE MEDIA
Umadda Somaliland waxay Sas ka qabaan xukun Askari Siyaad Barre dabadii, maxaadse ka xasuusataa Askartii Afrika soo xukuntay iyo Mahadhooyinkii ay ka tageen
November 2, 2017 - Written by editor

“Dawga aada Boorame, kuma geeyo Daafeed” AHUN Abwaan Gaariye ayaa yidhi isagoo ka faaloonaya in jaah-wareerku ka bilaabmo marka qofka bini aadamka ahi ama ummadi u lunto ka dib marka ay dariiq khaldan raacaan.
askar
Filimkii caanka ahaa ee “Amin: The Rise and Fall” ee la soo saarey horaantii sanadkii 1981 ayaa si fiican oo faahfaahsan u soo bandhigaya tacadiyada iyo ku-tumashada xuquuqda Aadamaha iyo ku-takri-falka awoodeed ee Gen. Idi Amin, gaar ahaanna marka laga sheekeynayo qisadii dhex-martay isaga iyo dawladdii Ingiriiska ee ay kaga wada-xaajoonayeen sii deynta ninkii suxufiga ahaa ee u dhashay dalka Ingiriiska ee maamulka Idi Amin qabteen ka dibna xidheen ee la odhan jirey Denis Hill, waxa jirtay in wufuud badan oo caalamka isaga timid sidii qadiyadda sii deynta wariyaha go’aan looga gaadhi lahaa uu dhagaha ka fureystay isla markaana kaga jawaabay si kibir iyo isla-weyni ah.

Sidaasi si la mid ah documentary filimkii kale ee caanka ahaa “General Idi Amin Dada: A Self Portrait” ee uu soo saarey jilaagii Faransiiska ahaa ee la odhan jirey Barbet Schroeder ee lagaga sheekeynayay mahadhooyinkii Idi Amin saddex sanadood ka dib markii uu dalka qabsadey 1974 waxa uu jilaagu ku soo bandhigay khataraha amni-darro iyo argax-laawe-nimada Idi Amin isaga oo jilaagu halhays uga dhigay filimkiisa odhaahda odhanaysa  “Amin at the height of his power as the ruler of Uganda” “Amin waxa uu si baahsan ugu takri-falayaa awoodda xukunka ee Yugaandha” Waxa kale oo isla filimkaasi lagu soo bandhigay sida uu fikradaha khaldan iyo jaahilnimada ugaga jiro ama aanu ula socon arrimaha dhanka dhaqaalaha, siyaasadda iyo xidhiidhada caalamka, isaga oo la soo ururiyay waraysiyo gaagaaban oo lala yeeshay oo lagu muujinayo dar-jiidhistiisa.

Mar kale waxa dunida ka wareerisey ka dib markii uu xoghayihii guud ee Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa ee wakhtigaa Mr. Kurt Waldheim u qoray warqad uu kaga fal-celinayo xasuuqii Munich (Munich massacre) oo ahaa dhacdo koox falastiiniyiin ahaa ay ku qafaasheen 11 ciyaar-yahan oo ka qayb-galayay Olympics’ 1972-kii oo Israa’iil u dhashay iyo sarkaal booliska Jarmal-ka ahaa ka dibna laayeen, iyagoo ku dalbanayay in loo sii daayo maxaabiis kaga xidhnaa Israaiil iyo Jarmalka, isaga oo ku nuux-nuuxsadey ammaanta iyo taageerada uu u hayo Adolf Hitler oo isagu ahaa hogaamiyihii Jarmalka ee sida ba’an u gumaaday Yuhuuda ama Isaa’iilyiinta, taaasi oo noqotay mid ka sii cadhaysiisay reer galbeedka iyo israaiil oo xurguf-dagaal iyo xafiiltan ka dhexeeyey Yugaandha.

Sidoo waxa uu si joogto ah ugu eedeyn jirey wasiiradiisu inay ka masuul yihiin fashilka maamulkiisa isaga oo adoonsan jirey wasiiradiisa oo mararka qaarna si ka baxsan nidaamka maamulka iyo dawladnimada ula dhaqmi jirey, waxa filimka lagu soo bandhigay isagoo si kulul oo jees jees leh u canaananaya wasiirkiisii arrimaha khaarajiga Lt. Colonel Michael Ondoga isla markaana siinaya amaawiir aad u qalafsan, ka dibna laba todobaad ka dib, waxa la heley maydka wasiirka oo dul heehaabaya ama dul-sabbaynaya wabiga Niilka.

Arrinta ugu cajiibka badnayd iyo dhiiranaanta indha-adaygga ku salaysnayd ee mudadii uu awooda dalka Yugaanda hayay Gen. Idi Amin waxa ka mid ahaa ka dib markii uu ka codsaday agaasimaha filimka lagu sameeyey Faransiiska ee jilaaga Barbet Schroeder soo saarey in uu ka jaro qaybo ku jirey isla markaana la joojiyo soo saarista qaybo kale oo filimkaasi ka mid ah, uu ka diidey dalabkiisa ayuu Idi Amin ku kacay aargoosi iyo talaabo aan looga baran madaxda caalamka, isaga oo dalka Yugaanda ka soo ururiyay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 200 oo qof uu u dhashay dalka Faransiiska, una badnaa dalxiisayaal, saraakiil hay’ado ganacsi iyo maal-gashadayaal ku sugnaa dalka oo inta Hudheel hurdo la isugu keeney ama lagu xareeyey oo lagu hareereeyey ciidamada dalka Yugaandha, ka dibna loo qaybiyay lambar-rada aqalka agaasimaha Filimka si ay ugu qanciyaan inuu joojiyo soo saarista qaybaha cusub iyo faaf-reebista qaybtii hore, haddii kalena la layn doono dhamaantood oo la kala dooran siiyo in ay dhintaan iyo in uu joojiyo shaqadaa uu ku jiro.
La soco qaybta dambe.
C/risaaq Suudi Nuur
063-4425243
Hargeisa Somaliland

COMMENTS