BALIGUBADLE MEDIA
Ugaaska Guud ee Beelaha Arab oo Ugu Baaqay Beeshiisa In La Gaadhay Wakhtigii Ay Fartooda Kaga Aarsan Lahaayeen Xisbiga Kulmiye
November 8, 2017 - Written by editor

Ugaaska Guud ee Beelaha Arab-wayne ugaas axmed maxamed siciid (Cali Mahdi) ayaa baaq adag u diray beelaha arabwayne isagoo ugu baaqay inay fartooda kaga aarsadaan xisbiga kulmiye ee ay mudada dheer ku soo tabcayeen balse aakhirkii laga tuuray meesha islamarkaana noqday mid ay isku dhiibdhiibaan beesha siilaanyo iyo beesha kornayl muuse biixi

ugaaska beelaha arab

ugaaska waxa uu sidan ku sheegay warmurtiyeed uu soo saaray oo uu soo gaadhsiiyay xarunta baligubadlemedia ee hargeysa kaas oo dhignaa sidan:

anigoo ah ugaaska Guud ee Beelaha Arab waxaan dhamaan beelaha arab ugu baaqayaa in la gaadhay wakhtigii ay fartooda kaga aarsan lahaayeen xisbiga kulmiye ee intay ku soo tabceen 15-tobankii sanno ee ugu dambeeyay u soo halgamayeen kana tirsanayeen balse markii dambe ay ka waayeen xaqii iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen islamarkaana markii dambe lala soo gaadhay in loo diido inay ku dhex tartamaan xisbiga aakhirkiina noqday hagbad ay wada leeyihiin labadda beelood ee kornayl muuse biixi iyo siilaanyo

iyadoo aanu halkaas ku sii joogsan dagaalka cad ee xisbiga kulmiye ku hayo beelaha arab ee aynu ognahay marxaladda maanta taagan iyo dagaalkii u dambeeyay ee ay inagu soo qaadeen beel ahaan haday tahay ganacsi iyo haday tahay siyaasadda reerkaba sidaas awgeed ma jirto inagoo arkayana dhibaatooyinka uu ina baday kulmiye inaynu maanta cod iyo taageero siino ee waa in aynu dhaadanaa islamarkaana aynu taageernaa xisbiga waddani ee aynu gudoomiyaha ku leenahay 45-cisho kadibna aynu la wareegayno xisbiga

kulmiye waxaan leeyahay waad soo qaadatay wakhtigaagii bulshadda reer somaliland-na way ku soo tijaabisay ee iska naso maanta

waxaan ka digayaa xisbiga kulmiye ee ardaydii jaamacadaha intuu dhaariyo gaadiidna ku qaado gaynaya goboladda kale ee dalka si ay ugu soo codeeyeen sidaas awgeed waxaan ugu baaqayaa komishanka inay arintaas iyo wixii la midaba ay talaabo adag ka qaadaan

xisbiga kulmiyena waxaan leeyahay codka umadda somaliland wuu ka wayn yahay wax la iibsado umadduna maanta isbedel ayay u baahantahay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS