BALIGUBADLE MEDIA
Putin oo Maraykanka ku eedeyay in uu farogalin ku hayo doorashada Ruushka
November 10, 2017 - Written by editor

Madaxweynaha Ruushka ayaa dowladda Maraykanka ku eedeeyay in ay doonayaan in ay farogalin ku sameeynayaan doorashada dhacaysa sanadka dambe ee dalka Ruushka.

Vladamir Putin ayaa sheegay in eedeymaha ah in ciyaartooyda Ruushka ay isticmaaleen daroogo ay tahay arrin looga gol leeyahay in doorashada lagu farogaliyo.

Putin-Baaq-SanadkaCusub

Wuxuu sheegay in baaritaanka fadeexada maandooriyaha ee ciyaartooyda Ruushka ee ka qeybqaadanaya ciyaaraha olimbikada adduunka lagu soo beegay xiliga ay dhacayaan doorashooyinka Ruushka bisha Maarso ee sanadka dambe, si buu yiri dadka looga horkeeno dowladda.

Waxa uu hadalkan imanayaa xili dowladda Maraykanka ay baarayso farogalin la sheegay in Ruushka ku sameeyay doorashadii Maraykanka ee dhacday sanadkii 2016-kii.

Waxa uu hadlayay waxyar kadib markii afar ciyaartooy oo Ruush ah lagu heley in ay daroogo isticmaaleen, waxaana laga mamnuucay ciyaaraha barafka .

xigasho: bbc

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS