BALIGUBADLE MEDIA
Musharaxiinta Axsaabta Somaliland oo Ka Hadlay Dareenkooda Ku Aadan Aqbalaadda Natiijadda Doorashadda Madaxtooyadda
November 11, 2017 - Written by editor

Murashaxiinta xisbiyada somaliland ayaa siyaabo kala duwan u balan qaaday inay aqbalayaan natiijada soo baxda doorashada madaxtooyada somaliland ee shacabku codaynayo maalinta isniinta ah.

Murashaxiinta sadexda xisbi oo ka hadlayey dood ay u qabatay BBC-du ayaa waxay si kooban uga hadleen aqbalaada ay ku wajahayaan natiijada ka soo baxda doorashada.

Xisbiyada

Murashaxa xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu horayn balan qaaday inuu aqbalayo Natiijada doorashada, isaga oo duray labada murashax ee kale waxaanu yidhi “ Anigu hore ayaan u ogolaaday, tana waan ogolaanaya laakiin qoladan aan waligood ogolaana xadhigii ay sku dabi lahaayeen ayaan u soo soohayaa insha allah,

kolay way naxayaan oo dhacniinka may barane, waxaan leeyahay is daldala hadaad dhacdaan.”

Murashaxa xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhiniciisa balan qaaday inuu u hogaansamayo natiijada doorashada waxaanu yidhi “Natiijada doorashada ee sida sharciga ah u soo baxda ee guddida doorashadu soo saarto ee maxkamaduna ansixiso waan u hogaansamayaa.”

Ugu dambayn murashaxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa isaguna si kooban u sheegay inuu aqbalayo natiijada doorashada waxaau yidhi “Natiijada doorashada ee si wanaagsan u dhacda si sharciyana u soo baxda waan aqbalaynaa.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS