BALIGUBADLE MEDIA
Maxay Shacabka Somaliland Ka Filanayaan Madaxweynaha Loo Doortay Shanta Sano Ee Soo Socda? W/Q. Aadan Cali Bile
November 27, 2017 - Written by admin1

Aadan Cali BileKaddib intii ay Somaliland xornimadeeda dib ugala soo noqotay nidaamkii dhicisoobay ee loo yiqiin ‘Soomaali-weyn’, waxa dalkan ka soo taliyey tiroba afar Madaxweyne oo xukunka u qabtay si dimuqraaddi ah oo ay shacabku ka wada raalli ahaayeen. Labadii sano ee u horreeyey ee ahaa kala guurka xukunkii SNM iyo in talada rayidka gacanta loo geliyo ee ‘1991-kii ilaa 1993-kii, waxa dalka Madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ku magac dheeraa (Cabdiraxmaan Tuur) AHUN. Shaqooyin aad u culus ayaa xilligaa hor yiil Madaxweynaha, waxana kow ka ahayd; inuu ka midho dhaliyo qadiyadda xornimo la soo noqoshada Somaliland iyo sidoo kale inuu dalka ka dhaliyo nidaam dawliya

 
oo hanaqaada. Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa uu ummadda reer Somaliland u dhabeeyey riyadii ahayd in Somalia goonni laga ahaado oo aan waxba lala wadaagin, ilaa imikana tii uunbaa jirta oo wax ku sii kordha mooyee aanay waxba ka dhicin.

Iyada oo ay amni darro iyo dagaallo sokeeye dalka ka socdaan, oo magaalo kasta laga soo sheegayo dhiillada dhimashada iyo dhaawaca dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan oo ay guryohooda ugu tagtay rasaasta madaafiicda iyo inta hub dhuunta ka onkodda, ayaa waxa sannadkii 1993-kii shir weyne ay ka soo wada qayb galeen dhammaan beelaha Somaliland lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal. Nabadeynta geyiga iyo in la doorto Madaxweynihii beddeli lahaa xukuumadda uu waqtigeedii kala guurka ahaa dhammaaday ayuu shirkaasi u daarnaa. Kaddib, loollan adag oo loo galay tartanka doorashada Madaxweynaha oo ay ergooyinka beeluhu kala dooranayeen musharixiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeen ka u tartamayay, waxa doorashadaa ku guulaystay inuu noqdo Madaxweynihii labaad ee Somaliland Md. Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal AHUN. Cigaal markii uu Madaxweynaha noqday waynu ka wada war qabnaa xaaladda guud ee uu xilligaa dalku ku jiray oo waataynu sare ku soo xusnay. Wuxuu yimi oo keliya dal laba sano goonni u taagnaa, balse aanay meel kale u bad qabin, sidaa aawadeed waxa laga filanaayey oo isna la gudboonaa inuu halkaa kasii wado oo uu dhidibbo adag u taago tacabkii shacabka ee labada sano soo jiray ee ahaa madax bannaanida ay ku dhawaaqeen 18kii bishii May 1991-kii , iyo sidoo kale inuu dalka ka yagleelo nidaam ay u dhammays tiranyihiin dhammaan hay’adihii aasaasiga ahaa ee ay dawladi ku qotontay sida; ciidan qaran oo suga nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee dalka, jeelal iyo maxkamado lagu jirrabo hadba ciddii caqab ku noqota wada noolaanshaha shacabka walaalaha ah ee reer Somaliland IWM. Intaaba Cigaal ceebi kamay raacin oo caaddilkeen wuu ku asturay inuu dalka ka hirgeliyo intaa aynu sare ku soo sheegnay ee ay ahayd rajada iyo filashada ay shacabku ka filanayeen. Wuxuu dalka ka hirgeliyay tiirarkii aasaasiga ahaa ee ay dawladnimadu ku qotontay sida ciidan suga amniga dalka, xarumihii adeegyada guud, calan, lacag iyo dastuur qaran iyo guud ahaanba astaamihii dawliga ahaa oo si tallaabo tallaabo ah uga sii taabbo galayey guud ahaan dalka.

Muddo 8 sano ku dhowaad ah markuu xilka Madaxweyne hayey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, sannadkii 2001-dii ayuu geeryooday oo la oofsaday AHUN. Dalkii oo madax bannaan muddo 11 sano ku siman oo aan dib loo jalleecin jihadii Koonfureed, misna ay ka jirto dawlad lagu kala dambeeyo oo ay dad weynuhu weheshadaan, kuna diirsadaan labadaa guulood ee ay dalkooda u horseedeen labada duco qabe ee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ayuu sidaa dalka Madaxweyne uga noqday madaxweyne-ku-xigeenkii madaxweynihii uu xaqu u yimi ee Cigaal. Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa noqday Madaxweynihii saddexaad ee ay Somaliland yeelato. Kaddib muddo kooban oo uu kusime doorasho ahaa, sannadkii 2003-dii ayaa doorasho dad weyne oo uu shacabku codeeyey (one man one vote) nooceeduna uu markaa ugu horreeyey dalka Madaxweyne loogu doortay Daahir Riyaale Kaahin oo kasoo jeeda beesha Awdal, isaga oo 80 cod keliya kaga guulaystay guddoomiyihii xisbiga mucaaradka ahaa ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna ka soo jeeda beesha dhexe. Maalintaa ayay Somaliland cagta la heshay dhabbadii dimuqraadiyadda, waxayna ka soo gudubtay nidaamkii tabnaa ee qabaliga iyo ergooyinka beelaha wax lagu dooran jiray. Goonni isu taagga iyo astaamaha dawladeed inuu sii adkeeyo kolka laga yimaaddo, Riyaale waxa hor yiil inuu dalka ka hir geliyo maamul daadajin lagaadhsiiyo gobollada bari ee dalka iyo inuu taabba galiyo oo uu halkaa kasii amba qaado nidaamkii dimuqraaddiga ahaa ee isba kolkii hore lagu soo doortay ee tartanka xisbiyada badan ahaa. Guulihii hore loo gaadhay inuu dhidibbada u sii dhaabo haddii laga yimaaddo, wuxuu xuduudka bariga ku fidiyey dawladnimada Somaliland sida; gobolka Sool oo markii hore gacanta ugu jiray maamulka Puntland oo uu ku soo celiyay gacantii awal horeba taladiisa xaqa u lahayd ee Somaliland iyo inuu sii wado doorashooyinka dimuqraaddiga ah. Madaxweyne Riyaale intii uu xilka hayay tiroba afar doorasho ayuu dalka ka qabtay kuwaas oo kala ahaa; doorashadii golaha Deegaanka (2002-dii), tii Madaxweynaha ee uu isagu ku adkaaday (2003-dii), tii golaha Wakiillada (2005-tii) iyo doorashadii tartanka isaga lagaga raayay ee uu Siilaanyo majaraha inoogu qabtay ee 2010-kii.

Sidaa aynu sare ku soo sheegnay sannadkii 2010-kii guud ahaan dalka JSL waxa looga dareeray doorasho madaxtooyo oo ay ku tartameen saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID. Doorashadaa waxay guushu raacday guddoomiyihii xisbigii Kulmiye ee xilligaa mucaaradka ahaa ee Mr. Siilaanyo, isaga oo sidaana ku noqday aabbihii afaraad ee ay Somaliland yeelato tan iyo intii aynu xornimadeenna dib ula soo noqonnay. Muddo 19 sano ah oo uu qarankani kolba tallaabo togan qaadayay, madax bannaanidiina ay sidaa ku waartay, dalkiina ay dawladnimo ka hana qaadday oo guud ahaan geyigeenna nabad lagaga caweeyo, laakiin aanuu dalku weli bulshada caalamka ka helin wax aqoonsi ah, waddooyinkii ay burbursanyihiin, xarumihii adeegyada bulshada iyo ciidankii qaranka oo uu dayac fara badani ka muuqdo, tabashooyinka beelaha darafyada oo halkii ugu sarreeyay maraya iyo intaas oo dayac iyo dar xumo ahi iyada oo ay dalkeenna dul hoganayso ayuu Siilaanyo isna kursiga salka la helay, sidaa awgeed Madaxweyne Siilaanyo waxa ugu weyn ee hor yaallay waxay ahaayeen wax ka qabashada qodobbadaa dhawrka ah ee aynu soo taxnay. Afarta Madaxweyne mid waliba wuxuu lahaa door iyo kaalin siyaasadeed oo uu kuwa kale kaga duwanaa, iyada oo aan marna laga tagayn sii adkaynta wixii uu qarankani guulo hore u soo gaadhay ee ay Madaxweynayaasha hore qabteen. Wax qabadkii ay dadweynuhu ka filayeen Madaxweyne Siilaanyo inta badani way rumowday. Waxa uu bilaabay dedaallo hor leh oo lagu dhirindhirinaayo ictiraafka ay Somaliland weli sugayso muddada 27 ka sano ah, wuxuuna wada hadallo la furay dalkii ay wax innaga dhexayn jireen ee Somalia, sidoo kale wuxuu baddalay oo uu ka takhalusay lacagtii dalkaa ee laga isticmaali jirey magaalada Burco ee loo yaqaannay ‘Giimbaarta’, taas oo gebi ahaanteedba inta dadweynaha laga soo wada ururiyay loogu baddalay lacagtii dalka ee loo yaqaan ‘Laanta’, halka tiina lagu gubay meesha imika loo yaqaan ‘xabaalaha giimbaarta Burco’. Waddooyin aad u tiro badan ayaa laga hirgeliyay guud ahaan dalka waxana ugu muhiimsan ta Ceerigaabo oo guud ahaan dalka, gaar ahaan na bulshada gobolka Sanaag ay u qabtay baahi laxaad leh. Ciidamadii kala duwanaa ee qaranka oo awal hore aan lahayn wax darajooyin ay ku kala dambeeyaan ah waxa lagu tolay darajooyin min halka ugu hoosaysa ilaa halka ugu sarraysa ah oo aad maanta ku farxayso quruxda ay Ciidanka qaranku yeesheen. Xarumihii dawladda ee danta guud waa lawada dhisay oo badiba wasaaaradaha iyo laamaha kale waxay ku wada jiraan saro dhaadheer oo aad u bilic san oo ay ishu kuu qabanayso kolka aad daymoonayso.

Kaddib olole doorasho Madaxweyne oo ay xamaasaddiisu aad u sarraysay oo muddo 21 maalmooda ka socday guud ahaan dalka, 13 kii bishan aynu ku jirno ee November waxa guud ahaa JSL looga dareeray doorasho Madaxweyne oo nooceedu noqonayo tii saddexaad ee dalka ka dhacda. Doorashadaa waxa ku tartamaayay saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, waxana ay guushu raacday oo uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku shaaciyay 21 kii bishan November in labadii musharax ee xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ay ku adkaadeen codad dhan 55%. Marka hore Hambalyo ayaan leeyahay labada masuul ee guulaystay , Alle na ha idinku asturo xilkaa ay ummaddiinnu idiin dooratay. Marka labad waxaan bogaadinayaa labadii musharax ee doorashada lagaga adkaaday ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo runtii natiijada doorashada u aqbalay si uu bisayl siyaasadeed iyo tudhaale qaran ka muuqdo. Intaa kaddib, haddaynu ka soo hadalnay afartii Madaxweyne iyo mid kasta wixii ugu muhiimsanaa waxqabadkiisa ama filashada ay dad weynuhu ka filanayeen, markan aynu isweydinno su’aasha aynu xagga sare ku soo aragnay ee maqaalkaygan u baadi-soocda ah (ciwaanka), taas oo odhanaysa ‘maxay shacabka Somaliland ka filanayaan Madaxweynaha loo doortay shanta sano ee soo socda?

Muuse Biix Cabdi, waxa uu ku soo beegmay oo uu Madaxweyne noqday iyada oo uu dalku marayo xaalad aad u xasaasi ah sida; iyada oo laga soo gudbay doorashadii abid ugu ololaha kululayd ee ugu mucaaradka adkayd, sidoo kalena uu muran ka dhashay wejigii koowaad ee doorashada, sidaa awgeed waxa marka hore la gudboon sidii uu isugu keeni lahaa madaxdii xisbiyada mucaaradka ah ee uu loollanka adagi ka dhexeeyey xilligii ololaha lagu gudo jirey, halkaana uu kaga codsado in layska cafiyo dagaalkii siyaasadeed ee ay soo wada galeen, sidoo kale na ay la shaqeeyaan xukuumaddiisa cusub ee uu soo dhisi doono kaddib marka uu xilka si rasmiya ula wareego. Waxa laga filayaa inuu go’aanka ugu adag, uguna macquulsan ka qaato dhismaha golihiisa wasiirada, waayo bulshada inteeda badani waxay is weydiinaysaa inuu wax ka soo celin doono golaha uu xilkiisu sii dhamaanayo ee uu Madaxweyne Siilaanyo gadh wadeenka u yahay iyo inuu magacaabi doono wejiyo cusub oo aan ka mid ahayn golahan imika jira. Maadaama ay dalka ka jirto shaqo la’aan baahsani inuu sannadka ugu horreeya muddo xileedkiisa uu dalka ka hir geliyo mashaariic shaqo abuur sida dhismaha warshadda shamiitada ee Berbera, horumarinta shaqo abuurka dekedda Berbera, beero wax soo saar iyo goobo kale oo ay shaqaale badani ka hawl galaan. Waxa laga filanayaa inuu tayeeyo ciidamada kala duwan ee qaranka, inuu sii horumariyo sahaminta shidaalka iyo khayraadka dihin ee dalka. Guud ahaan inuu meesha ka saaro tabashooyinka beelaha darafyadu waa mid looga fadhiyo Madaxweynaha cusub. Inuu siyaasad qeexan ka yeesho ictiraaf raadinta iyo xidhiidhka bulshada caalamka iyo Afrika ba ayaa iyana hor taal. Waxa la gudboon yaraynta saamaynta ay qabyaaladdu dalka ku leedahay, inuu caasimadda u helo biyo ku filan iyo ugu dambayn halkaa kasii wado guud ahaan wixii horumar dalka ka socday ee uu keenay xisbigiisa guulaystay ee Kulmiye.

Aadan Cali Bile
Volunteer Civil Activist
Caynaba/Saraar Region
063-4325360
[email protected]

COMMENTS