BALIGUBADLE MEDIA
Maxamuud Xaashi oo Wajahaya Laba Darran Mid Dooro
November 1, 2017 - Written by editor

Hargeysa (BGM) wasiirka madaxtooyadda somaliland oo inta badan loo yaqaan nin balaayo ah oo siyaasadda aad wax uga yaqaan ayay godkiisa biyo ugu galeen kadib markii uu lumiyay jaaniskii ugu wacnaa ee uu iskaga sii dayro dhirbaaxo siyaasadeed oo kaga timaadda kornayl muuse biixi

maxamuud xaashi oo labadii sanno ee u dambeeyay ee uu ahaa wasiirka madaxtooyadda cunaha hayay kornal muuse biixi islamarkaana dagaal ka xun kii badheedhka ahaa ee xirsi la galay kornaylka ayaa muuqda mid bilaa tabaabusho ay ku soo gaadhayso doorashaddu maadaama oo aanu kaba sii fikirin godobaha siyaasadeed ee uu sii galay kuwaas oo ay kamid ahaayeen dagaal toosa oo uu kula jira xisbiga kulmiye xirsi dabadii taasoo keentay in muuse jiif iyo joogba diiday kadib markii uu ogaaday dagaalka kaga socda madaxyooyadda ee uu waddo maxamud xaashi

Maxamuud Xaashi

maxamuud xaashi halkaas kagamuu hadhin dagaalka uu ku hayo kornaylka ee waxa uu dhawaan khudbad ka jeediyay magaaladda borama xilli xisbiga kulmiye halkaas ka ololaynaayay waxaanu dadwaynihii fagaaraha ku sugnaa ugu khudbadeeyay in kornayl muuse yahay ninka kaliya ee wakhtigii cigaal shaqadii ugu cuslayd dhabarka u dhigtay taas oo uu ula jeeday inuu ahaa shakhsigii dagaalka sokeeye dalka galiyay wuu sii waday wasiir xaashi waxaanu intaas ku daray in kulmiye yahay xisbiga kaliya ee joojiyay colaadii ceelbardaale iyo dadyawgii reer boorama ee la qawrqawracay taas oo uu sheegay in muuse biixi muddo badan gabilay u joogay arintaas taasoo iyadana uu uga jeeday in muuse qayb laxaadle ka qaatay qawricii dadkaas

wasiirku wuu sii waday hadalka waxaanu sheegay in ninka ku dili karaa ku noolayn karo waa sida uu hadalka u dhigaye taas oo reer boorama madaxu ka xanuunay inyarna ay ku sigteen inay halkaas qudha kaga jaraan kornayl muuse
wuu sii waday wasiirku wuxuuna sheegay in muuse iyo maxamed cali hawlo waawayn ka galeen saylac taas oo uu iyadana uga jeeday in kornaylku ka dambeeyay dilkii maxamed cali
si kastaba ha ahaatee maxamuud xaashi wuxuu wali  kornaylka kula dhex dagaalamayaa xisbiga gudihiisa dagaalkan oo aan inta badan dadku fahansanayn  dadlka qaar ayaa wasiirka madaxtooyada ku dhaliila inaanu ahayn nin siyaasadda u bisil oo hadii uu u bisilyahay aanu kornaylku halkanba soo gaadheen waxa kale oo jira dad iyaguna wasiirka ku eedeeya inuu signalkii siyaasaddu ka lumay wasiirka iyo qoyska madaxtooyadaba islamarkaana aanay uba qorshaysnayn doorasho ee meel dhexe wax iska badaleen

sidoo kale maxamuud xaashi ayay dadka ku eedaynaya siyaasad xumaddu ku macneeyeen inaanay xisbigaba isku soo gaadheen cabdilaahi maxamed ducaale hadii uu siyaasi wax kala garanaya yahay maxamuud xaashi

ku darsoo wasiir xaashi waxa uu wajahayaa laba darran mid dooro kuwaas oo kala noqonaya inuu xisbiga gudihiisa ku sii dhex dagaalamo iyo si degdega iskaga casilo xisbiga

isku soo wada duuboo qoyska madaxtooyadda ayaa beesha habar jeclo kaga tagaya magac xumo maadaama ay si aan gabasho lahayn u boobeen hantidii qaranka waanay adkaan doontaa sida mardambe beesha siilaanyo majaraha ugu soo laabato

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

axmedrooble77@gmail.com

COMMENTS