BALIGUBADLE MEDIA
Maxaad Ka Ogtahay Wadamada Ugu Deeqsisan Ee Kusoo Baxay Darajada Kowaad Ee Wax bixinta?
November 27, 2017 - Written by admin

Yonis Faarah OsmanWadamo badan Ayaa noqonaya qaar ah deeqsiyiin iyagoo laga helayo taageero badan oo ay u fidinayaan dadka bani’aadamka ah ee dhibaatadu haysato, arinkaasi waa mid ka farxiyay dad badan oo u baahan in laga caawimo arimaha qaar oo ay kaw ka tahay xagga maaliyadu.

Warxbin dhawaan la daabacay oo ay soo saartey haayad madaxbanaan oo ka faaloota dhaqdhaqaaqa gar gaarada kala duwan ee lagu caawinayo ban’idaamka, haayadaas oo lagu magacaabo Gallup firm ayaa su’aalo waydiisay dad ka kala socda 140 wadan.

Su’aalahaas oo ay kamid ahayeen:

a) Inay caawiyeen cid taageero u baahan

b) Inay cid xagga shaqada ka caawiyeen

c) Xagga gar-gaarka qaxoontiyada

d) Iyo sidoo kale inay wakhtigoodu ugu deeqeen shaqo u baahan in wax laga qabto

Wadankastaa waxa ay warbintu muujisay inay heleen natiijo ka duwan dhamaan wadamada kale taas oo macnaheedu yahay in ay wadamadu ku kala fiican yihiin xagga wax bixinta iyo deeqsinimada.

Hadaba wadamadan soo socdaa waa kuwa xagga hore ka galay deeqsimada iyo waxbixinta marka ay timaado in laga qayb qaato gargaarada bani’aadanimo.

Wadanka ugu horeeya ee xagga hore ka galay kaalinta koowaad waa Wadanka isutaga imaaraadka carabta.

Waxa ay dad badani layaabeen in isutaga imaaraadka carabtu kaga fiicnaadaan dhamaan wadamada caalamka caawinta iyo ka qayb qadashada arimaha gargaarka xagga bani’aadamka.

Gudaha isutaga imaraadka carabta waxaa jira inka badan boqolaal urur oo ku can baxay inay gacan ka gaystaan caawinta dadka tabaalaysan.

Waxaa iyaduna ku xigta wadanka Irelan oo noqtay wadanka labaad ee xagga ka qayb qaadashada taageerada dadka, irelan oo ay dadkoodu yihiin dad usoo jeeda inay dhibka la qaybsadan dadyaw badan oo ku dhibaataysan wadamada soo koraya.

Waxaaney dadkan irishka ahi si wayn ula dhacsan yihiin inay bill kasta u qoondeeyaan inay wax ku darsadaan sanduuqyada ka shaqeeya kor u qaadista arimaha iyo xuquuqda aadamaha.

Waxaana xusid mudan in dhaqaalaha wadankaasi Ireland uu kor usii kacayo sanadihii u dambeeyey.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa iyaduna kamid noqotay wadamada liiska kusoo baxay ee ah kuwa sida wayn uga qayb qaata caawinta iyo horumarinta aadamaha

Sida waxbarashada, helitaanka biyaha,xuquuqda aadamaha, dabar-goynta xanuudaha dilaaga ah ee asiiba carruurta yar yar.

Indonesia oo iyaduna ah wadanka ugu islaamka badan caalamka ayaa sidoo kale kamid noqotey wadamada u heelan inay dadka dhibaateysan caawiyaan.

Wadanka Indonesia ayaa waxay ay lacag ku bixisaa arimaha qaxoontiyada kala duwan ee ay kamid yihiin meelaha ay ka socdaan dagaalada sokeeye ee u baahan gargaarada kala duwan.

Indonesia waxa ay sanad kasta u qoondeysaa miisaaniyada qaranka in kamida oo ay ugu talo gasho ka qayb qaadashada arimaha sadaqada iyo caawinta dadka tabaalaysan.

Hadaynu dhagaystayaal soo koobno wadamada kale ee iyagu warbixinta ay qortay haayada gallup ee ay kaga waramayso wadamada sida weyn uga qayb qaata gar gaarka waxaa iyaguna ku jira:

Canada, new zealan, Srilanka, Australia iyo occeinia.

Yonis Faarah Osman

Journalist and Media Expert

[email protected]

COMMENTS