BALIGUBADLE MEDIA
Goobihii Codbixinta Doorashada Madaxtooyadda Somaliland oo La Xidhay, Tirinta Codadka oo Bilaabantay Iyo Barihii Bulshada oo Goordhawayd Hawada Laga Saaray
November 13, 2017 - Written by editor

Goobaha codbixinta doorashada madaxtooyada somaliland ayaa goor dhawayd la soo xidhay ka dib markii ay dhamaatay wakhtigii loogu tala galay inay dadweynuhu codka dhiibtaan.

komishanka

Goobaha ay ka socotay codbixinta doorashada madaxtooyada somaliland ayaa haaatan waxa si rasmi ah uga bilaabantay tirinta codadka ay dhiibteen shacabka somaliland ee kala dooranayey murashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiyada qaranka somaliland.

Dhinaca kale waxa goor dhawayd hawada laga saaray baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook iyo WhatsApp, Mesenger iyo kuwa kale, iyada oo laga cabsi qabo in lagu baahiyo warar la xidhiidha natiijada doorashada oo been abuur ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS