BALIGUBADLE MEDIA
Gabay- Shabeel Mammay
November 9, 2017 - Written by editor

Date: 11/10 /2017

1 Run mutuxan marana huwan ileen, maanso weeyaane

2 Murti dhaadhigaa laga rabaa, inay macneeyaane

3 Mucjisooyinka ku daashadaan qaar, yar magac dhabiye

4 Aan la maragsado kani, madaafiicba weeyaane

5 Shabeel miciyo muujiyay qofkii, magane soo hoystay

6 Macaluusha haysiyo kolna, ka didin mililiciisa

7 Ee Muuqiyo ku dhaygagay, midabada dhalaala

8 Welibana miskiinkiyo ku sheegay, mudane dhawrsan

9 Mahuraankiyo ku aaminay, moodka iyo noolba

10 Een maalin qudhana ka fikirin, mahadhaduu gaysto

11 Ee meel la seexda haddana, madax iyo mijo duubta

12 Ee macalinkii uga digana, nacabka moodaaya

13 Ma inuu murugo fooraraa, kolka maddane leefo?

style=”font-size:16px;”>

14 Dhago malaasan muusig, madadaalin kari waa abide

15 Bahalkaa muquursani wuxuu, malkada jiifaaba

16 Malafsiga lagu yaqaan wax buu, kuba makalayaaye

17 Waa mar qudha qof miciin biday, maaruqaa gabiye

18 Waa mar qudha inta uu qabto, maxastaba laayaaye

19 Waa marka dambe inuu, miliqsadaa wadooyinka’e

20 Waa marka dambe inuu, is madadaaliyaa keli’e

21 Waa marka dambe inuu, iskaba meero dibadaha’e

22 Waa marka dambe inuu, sidii miidka kaa dhigo’e

23 Waa marka dambe inuu, kuwada muudsadaa gabiye

24 Waa marka dambe inuu, cid muunaysa doonaaye

25 Waa marka dambe inuu , shabeel mammay ahaadaaye

26 Ma wax aan la filan baa hadduu, mur iyo dacar qoosho?

27 Muuq toosan laga waa wali, muraayad qaloocda’e

28 Bulsho kala wada malmalani, magaceed ba’ weeyaane

29 Marin habawga ku dhacana kolkaba, kama maleegtaane

30 Majaraha maba hagaajistaan, midhadhka noolaaye

31 Maskaxdaa maroortee ileen, lama muquunsheene

32 Maangaabnimay shabeel mammay, dameer u moodaane

33 Murgugaafka waxa uu ridaa, moqoro waawayne

34 Magafaha waxa ka daran, kuway madax ku sheegaane

35 Miiqii irbada may galin, inay miridhay mooyaane

36 Maqaarka jirjiroole sidii, midabkay doorshaane

37 Malaxdaa la yidhi lama dhay dhayo, mililku hoos yaale

38 Madawgiyo caddaankiyo haddaad, milicda garan wayday

39 Maroodiga ha eeddayn, adaan maaganayn samo’e!

Mohamed Hassan Abdilahi

COMMENTS