BALIGUBADLE MEDIA
Fardo Laysu Hayo Maxaa Laysugu Faanin ( Dr Daacad Alle Yaqaan)! –
November 8, 2017 - Written by editor
Ma hadhin hadal iyo wax la isu akhriya oo danbe, waxay maraysaa allaw ray iyo allaw roonaa, nin-ba waa waxa saciisa rimani, uu dibiga ugu tu’iyey,  imika waa taa fool qaday, waxana ay ku xidhan tahay, kolba siddii uu u fool eryey wakhtiggii ololahan lagu gudda jirey, iyo taariikh-dda dibiggii loo tu’iyey uu leeyahay. Mudo aan yarayn baa doorashadan muran ka taagnaaye, oo xusbi-ba-xusbi maaganaa, inay muquun-shaane, oo ay is lahaayeen annaa aslkiiya iyo aniga baa badi-naaya la isla hor-joogay, waxay cayn-kaas ahaato-ba, hadaa la isla guryo yimi, oo waa la kala baxay, ummadaana kala sarartay, oo si
wacan baa loo kala haaariyey, mid kastaa wuu is og-yahay, halka xaal u maraayo iyo cidhib-tiisa damabe, waxay sal dhigan doonto maalinta isniinta  ee taariikh-du tahay13/10/2017. inkaste oo ay weli dadka qaarkii ( reer kulmiye), ay leeyihiin waa gacan uurka ku jirta, oo aanay qanacsanayn, laakiin xaqiiqdu aanay ka dednayn ee ay is diidsiinayaan. runtana ay indhaha ka lalinayaan, misnana ololahii doorashadu wuxu debedda soo dhigay, in lagu kala tegay, oo si cad loo garanaayo hadda ka soo baxaaya, waxana la saadaali-nayaa sidatan hoos ku qoran, dadka badn-kiisuna ay 85% isku raaceen, marka la eego 100% inta uu xusbi waliba ka helayoo goboladda Somaliland.

                  
                                       Kulmiye…………..Waddani…………………Ucid  
Moroodi-jeex                    45%                    40%                          15%
Togdheer                          35%                     55%                          10 %
Awdal                                20%                    70%                           10%
Saaxil                                 30%                   55%                             15%
Sanaag                              25%                    70%                            05%
Sool                                    15%                    60%                            25%.
 Haday run iyo been labadu ay beretamaan, bixitimaan, socodka way kala badshaane, sidaas oo ay tahay, baa tiradda lixdda Gobol, wadar ahaan inta boqol-kiiba ay kala tirsanayaan ee sare ku taal, waxa halkaas ka soo baxaya, in Xusbiga Waddani uu ku soo baxaayo ugu yaraan 55%, una u quus gooyey labadda kale, Kulmiye-na waa rafad, oo xaaraan mooyee, xalaal in uu ku soo baxo waa sacabkoo tima yeesha iyo naf go’day oo soo noolaatay,waxa loo badinayaa in uu heli doono 33%, waana arinta ku keliftay in ay lacag wax ku raadiyaan, oo ay masaakiinta ku yidhaahaan, raashin baan idiin ku bedelaynaa ee na siiya kaadhadhka, taas oo ay uga jeedaan in ay ku soo yareeyaan, tiradda xad dhaafka ah ee uu kaga horeeyo Waddani. laakiin la iskaga daba yimi xaaja-daas, oo hadeer meel uu ka baxo buu la’yahay. waana caal waa ay ka soo hadhay af-xumo iyo tolaay, aanay cidi ka hoos qaadaynin. Aan kuu kala saaro’e, Xusbiga ucid-na isaga baa candhuuf-tiisa dib uga liqay, oo sinaba ma u hawaysanaanyo, ee waa iska qulub luud, waxa loo qiyaasay 12%, waxana loo adeegsadaa kala jebinta beelaha somaliland, oo madax-ka-kaw ku qulqulay Waddani, markaas isagu cidla buu haystaa, arinkii-suna waa hal bacaad lagu lisay. waanu is og-yahaye, waxoogaaga ay u tuurto Xukuumadda iyo Kulmiye baa u daran,
Isku soo duub oo afar cisho ka bacdi, way ina dhaafaysaa Xukuumadda Murdiso, iyo Xusbiga dusha ku sitaa, kaas oo ay ilka-hiisu ka badan yihiin lugihii hanga-raaraca, oo si qayrul-caadi ah u daaqay hantiddii ummadda, shaqaalaha dawladda kuwa ugu yar, baa aan mushahaaro qaadan mudo 3 bilood ah, oo wixiiba tuurta baa lagu qaatay, waad maqalayseen kuwa dawladda hoose ee caasimadda oo afar bilood aan waxba helin, oo khatar ugu jira in guryihii laga saaro, markii ay kiraddii iska bixin kari waayeen. illaah ha inaga qabtee, waa xukuumaddii ugu bedelisata badnayd ee abid ina soo marta, aan mar qudha cago dhigan, ugu musuq-maasaqa xumayd, inta la xasuusan yahay illaa lixdankii, xataa marka lagu daro wixii somaliya la odhan jirey, ee beryihii hore aynu ka mid ahaan jirnay. waxba yaan ku daaline, waxa la yidhi xabaal iyo nin-keeddii loo kala tegye, xusbi waliba wixii uu taransaday, baa hor iman doona maalinta isniinta ee inagu soo aadan. waxana ay noqonaysaa, Kulmiye oo iilka si wacan loo dhigay, Ucid oo isaga ka shaqaystay dilaal-nimaddii kulmiye uu kiu masruufaayey, ee ay u bahoobeen colaadda Cabdiraxmaan Ciro, iyo Waddani oo Caruus ah, kuna aqal gelaaya qasriga madaxtooyadda. Jano-ka-bood ( Waa samaale’e) oo dhoosha ka qoslaaya, oo ina biixi ku leh, imisaan ku lahayn, wax helimay-side na daa, oo iska hayso gudoomniya-nimadda xkubiga, Maxamed Biixi Yoonis, Xirsi X. cali iy dhamaan Madaxddii ka soo guurtay cadaalad darradda Kulmiye, oo leh Sooray waanu ka xunahay, silica iyo dhibtaad qabtid  Ina Biixaw.
Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan.
daacad1512@gmail.com

 

COMMENTS